Yaa Qalbi Dhagax kusoo dhaweeyay Nairobi, Kenya?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Cabdikariim Sheekh Muuse [Qalbi-Dhagax], oo dhawaan laga oo daayay xabsi ku yaalla Addis Ababa, oo mudo ku dhaw hal sano uu ku xirnaa ayaa gaarey magaalada Nairobi, ee caasimadda dalka Kenya.

Boqolaal qof, oo ay kamid ahaayeen Mas'uuliyiin horey xilal uga soo qabatey Kenya, sida Faarax Maclin iyo Xildhibaan Axmed Maclin Fiqi, oo kamid ah Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka qeyb-qaatey soo dhaweynta Qalbi-Dhagax.

Qalbi Dhagax oo kasoo duulay Garoonka diyaaradaha ee Bole airport ee Addis Ababa ayaa xalay fiidkii ka dagay Jommo Kenyatta Airport ee Nairobi halkaasi oo loogu soo dhaweeyay sida Geesi goob dagaal guulo ka keenay.

Cabdikariim Qalbi Dhagax, oo dowladda Federaalka Soomaali u gacan-gelisay September 2017 Eithiopia ayaa lagu soo waramayaa in sii deyntiisa ay ku timid go'aan kasoo baxay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, oo doonaya inuu heshiis la galo Ururka uu katirsan yahay ee ONLF.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareyn xooggan iyo culeyso kala kulantay dhiibistii Qalbi Dhagax, iyadoo shacabka Soomaaliyeed intiisa badan ay aad uga dhiidhiyeen tallaabada lagu dhibay ninkan, horey uga soo mid noqday Ciidamada xoogga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo uga digtay Xamsa Cabdi Barre inuu booqdo Laascaanood

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in booqashadiisu aysan noqon doonin mid lagu dhibaateynayo gobol ama maamul gaar ah.

  • Soomaliya

    08-04-2025

  • 03:51PM

Soomaaliya: Ciidamada Milatariga oo Howlgallo Fuliyay 

Howlgalka ayaa ahaa mid Ciidamada dowladda guul ka gaareen, iyadoo dib u qabsadey deegaanka oo ku yaalla goob istaraatiiji ah.

  • Soomaliya

    08-04-2025

  • 12:40PM