Kaarka NIRA oo Muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu qasbayo kadib markii la diiday qaadashadiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in qof kasta oo aan haysan Aqoonsiga Qaranka (National ID) aysan heli karin adeegyo dowladeed, taasoo ka dhigan in Baasaboorka iyo shahaadooyinka kale ee dowladda Federaalka, sida shahaadada dhalashada iyo shahaadada waxbarashada, lagu xidhayo haysta kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland iyo Jubaland ayaa kamid ah deegaannada uu ka hirgalay diidmada aqoonsiga qaranka. Sidoo kale, Somaliland ayaan laga hirgelin karin Kaarkan qaadashadiisa, maadaama maamulkaas uu sheegto inuu ka go'an Soomaaliya.

Dadka ku nool Soomaaliya, gaar ahaan meelaha dowladda ay maamusho ayaa diiday inay qaataan kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyagoo ka cabsi qaba in xogta muwaadiniinta oo lagu kaydiyo system yaalla Pakistan, taasoo ay sheegaan inay gacanta u gashan yihiin dad ajnabi ah.

Muwaadiniinta ayaa muujiyay welwel ku saabsan amniga xogtooda, iyagoo ka baqaya in xogtaas ay u gacan gasho Al-Shabaab iyo kooxo kale oo khatar ku keeni kara. Tani waxay keentay in dadka ay diidaan qaadashada kaarka Aqoonsiga, iyadoo ay sidoo kale jiraan su'aalo la xiriira in doorashadda loo adeegsan rabo in lagu shubto codadka.

Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysanaysa in kaarka Aqoonsiga Qaranka uu yahay mid muhiim u ah nidaamka adeegyada dowladeed, laakiin qaar ka mid ah bulshada ayaa muujineysa in ay jiraan welwel amni oo ku saabsan amniga xogtan.

Hay'adda NIRA oo ah mid cusub oo ay ka shaqeeyaan dhalinyaro aqoon iyo khibrad lahayn, oo mas'uuliyiinta dowladda meesha keensadaan, ayaa maamusha bixinta kaarka aqoonsiga Qaran, waxaana taaso keentay in lagu kalsoonaan waayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM