Qaabka ay ku timid soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya
NAIROBI, Kenya - Soomaaliya ayaa waxay dib u soo ceshatay xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya Khamiistii ka dib shan bilood markii ay dhexdhexaadisay Qatar uuna hoggaaminayay Amiir Sheekh Tamim Al Thani.
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ku dhawaaqdey go'aankan lama filaanka ahaa ayaa sheegtay inay dib u soo celinayaan xiriirkii "iyagoo ilaalinaya danaha deris wanaaga".
Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinimo iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da ixtiraamka wadajirka ah ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la'aanta arrimaha gudaha, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.
Iyada oo qireysa horumarka, wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegtay in ay rajeyneyso in xiriir caadi ah la yeelato mas'uuliyiinta Soomaalida.
"Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qireysaa taageerada joogtada ah ee ay ka heshay beesha caalamka, gaar ahaanna dowladda Qadar, dadaallada lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya," ayaa lagu yiri bayaan Wasaaradda kasoo baxay isla Khamiistii.
Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo dhanka doorashada ah, taasi oo la sheegay inay horseeday in xiriirka Kenya loo jaro 15-kii bishii Diseembar, 2020.
Eedeymo la beeniyey
Muqdisho ayaa soo xigatay faragalin lagu sameeyay siyaasadeeda gudaha; sheegashadaas Nairobi waa beenisay. Waxaa sidoo kale jiray arrimo ku saabsan muranka badda oo dacwadeedu hortaalo maxkamadda ICJ.
Toddobaad ka dib markii xiriirka loo jaray, madaxweynayaasha labada dal - Uhuru Kenyatta iyo Maxamed Farmaajo - waxay ku kulmeen magaalada Jabuuti iyagoo ka qeyb galay shirkii 38-aad ee IGAD ee caadiga ahaa oo arrinta looga hadlay. Koox ayaa loo sameeyay inay eegaan eedeymaha.
Warbixin ay soo saartay bishii Janaayo, kooxda ayaa ku sheegtay in aysan jirin wax caddeyn ah oo xaqiijinaya faragelinta lagu eedeynayo Kenya. Balse, Soomaaliya way cambaareysay warbixinta.
"Guddigu wuxuu tixgelinayaa in cabashooyinkaas, oo qaarkood soo jireen ahaa, aysan u muuqan inay ku filnaan karaan in lagu caddeeyo kala-go'idda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya," ayay kooxda ay hoggaamineysay Jabuuti ku tiri warbixinta.
Dabayaaqadii bishii Abriil, Soomaaliya waxay ku eedeysay Kenya iyo Jabuuti "faragelinta ayna adeegsanayaan xubinnimadooda Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika".
Eedeynta ayaa ka dambeysay ka dib markii guddoomiyaha Midowga Afrika ahna madaxweynaha DRC, Felix Tshisekedi, uu codsi ka yimid Farmaajo, kaasoo ahaa in Golaha Nabadda iyo Amniga in ay eegaan qadiyaddan.
"Waxaa nasoo gaadhay in laba xubnood oo ka tirsan AUSPC, oo kala ah, Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, ay wadaan ololeyaal xun oo ujeedkoodu yahay in lagu carqaladeeyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya iyagoo isku dayaya inay saameyn ku yeeshaan natiijooyinka ka soo baxa kulanka AUPSC si loo waxyeeleeyo mustaqbalka dadka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki bishii Diseembar ee sanadkii hore wuxuu sidoo kale ku baaqay wadahadal dhexmara Kenya iyo Soomaaliya si loo yareeyo xiisadaha u dhexeeya
Saameynta Qadar
Ifafaaladda qaboojinta xiisadda sii kululaaneysa ee gobolka Geeska Afrika ayaa bilowday in la arko Maarso kadib markii Madaxweyne Tshisekedi uu u safray Doha Maarso 28.
Wargayska reer Qatar ee Peninsula ayaa wariyay in aan kaliya ajandaha uusan ahayn wadahadalada laba geesoodka ah ee Qatar iyo DR Congo, balse uu daaranaa safarka aragtiyo la iska dhaafsaday arrimo badan oo gobolka iyo caalamkaba ku saabsan oo khuseeyay guud ahaa labada dhinac".
Bishii Abriil 19-keedii, Farmaajo wuxuu u duulay Kinshasa halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Tshisekedi wuuna kasoo dhoofay laba casho kadib. Uhuru wuxuu halkaas tagay maalintii xigtay. Booqashooyinka ayaa kiciyay hadalhaynta wadahadalada, laakiin Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya Macharia Kamau ayaa sheegtay in safaradaasi aysan xiriir la laheyn.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyaha Geeska Afrika Cabdi Rashiid, ayaa xilligaas wuxuu saadaaliyey "in heshiiska uu noqon doono in Qatar iyo DR Congo ay dhexdhexaadiyaan xiisadaha Kenya iyo Soomaaliya, taas bedelkeedana Nairobi waxay taageero u fidinaysaa Farmaajo".
Isniintii, Maajo 3, al Thani oo u soo diray ergey gaarka ah Mutlaq bin Majed al Qahtani ayaa farriin gaarsiiyey madxweynaha waqtiga ka dhacay ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Al Qahtani waa Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arimaha Dibadda ee Qatar u qaabilsan arrimaha la dagaalanka argagixisada, dhexdhexaadinta iyo xalinta khilaafaadka.
Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee Qatar ayaa lagu tibaaxay in farriinta la xiriirto xiriirkooda laba geesoodka ah iyo siyaabaha loo dhiirrigeliyo, “marka lagu daro horumarkii siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee Soomaaliya, iyo muhiimadda ay leedahay in la gaaro dib u heshiisiinta qaran si loo xaqiijiyo xasilloonida dalka”.
Khamiistii, Madaxweyne Kenyatta wuxuu sidoo kale ka helay farriin ka timid al Thani oo loo sii mariyay al Qahtani. Isla waqtigaas, dib-u-soo-celinta cilaaqaadka diblumaasiyadeed ayaa waxaa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.
GAROWE ONLINE