Barnaamijka Dooda oo looga hadlay khilaafka Rugta Ganacsiga PL

Image

Sept 12, 2014 (Garowe Online)- Barnaamijka Dood-wadaag ee Radio Garowe ayaa maanta oo Jimce ah lagu gorfeeyay khilaafka ka taagan qabashadda doorashada Rugta Ganacsiga Puntland oo masuuliyiinta hadda joogaa uu xilkoodii xli hore dhamaaday.

Doodaan ayaa waxaa ka qayb galay labo ganacsade oo ku sugan magalada Bosaso kuwaasoo kala ah Maxamed Cabdiqaadir iyo Xuseen, waxayna diiradda saarayaan sababta keentay khilaafka iyo cida saxan.

Wasiirka Ganacsiga Puntland Maxamuud Soocadde ayaa ku dhawaaqay inuu kala diray masuuliyiinta Rugta ganacsiga, waxaase arrintaasi ka hor yimi gudoomiyaha rugta ganacsiga Siciid Xuseen Ciid oo sheegay wasiirku inuusan awood intee leeg lahayn.

Haddaba Barnaamijkan Dooda ah waxaa soo diyaariyay Axmed Cawil Jaamac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud oo looga digay "khiyaano qaran"

Dhambaalkan ayaa imaanaya kahor wadahadalka la filayo inuu ka furmo dalka Turkiga.

  • Fikradaha

    11-08-2024

  • 07:20AM

Xasan Khayre: Madaxweynaha waa inuu raaligeliyo dhalinta

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ayaa ka falceliyay hadalkii Xasan Sheekh ku weeraray dhalinyrada.

  • Fikradaha

    10-08-2024

  • 12:26PM