Farmaajo oo magacii Al-Shabaab "ku badalay" Al-Qaacida

Image
Hadal-jeedintiisa maalinta ciidanka, madaxweynaha waqtigu ka dhacay ayaa carabkiisa ka fogeeyay maleyshiyadda.

Khudabada oday Farmaajo uu ka jeediyey munaasabadda xuska 12 April, oo ahayd middii ugu dheereyd ee uu jeediyo; waxaan ka fahmay dhowr arrimood:

Tan koowaad odaygu kalimadda ugu badan ee uu sheegey waxay ahayd “QABIIL” uu umadda uga digayay. Farmaajo wuxuu iska indhatiray waaqaca Soomaaliya ee qabiilka wax walba ay ku salaysan yihiin sida in Xildhibaanada lagu soo doorto qabiil, xilalka kalena lagu magacaabo qabiil.

Tan labaad: wuxuu inkiray dawladihii asaga ka horeeyey iyo waxqabadkoodii, asagoo ka soo qaaday xilli qabiil shaqaynayay oo kaliya.

Tan saddexaad oo la yaabka lahayd waxay ahayd inuusan khudbadiisa hal marna ku xusin “kooxda Shabaab” oo uu bedelkeeda adeegsanayay “Alqaacida” asagoo ku dhiiran waayay sida uu hadalada kale ugu dhiirtay!

Tan Afraad wuxuu ka hadlay dhismaha, qalabaynta iyo xuquuqda ciidanka laakin ma xusin hal tuulo oo ay xoreeyeen, waxaana cabsi laga qabo Shabaab darteed loo xiray maantay magaalada Muqdisho oo dhan!

Tan Shanaad: wuxuu ka hadlay wadaniyadda iyo xasilooni-darro siyaasadeed asagoo ku celceliyey, waxaana la og yahay mudadii uu joogay xukunka in qabyaaladii ay dib u soo noolaatay, kala aamin bax weyn ay dhacday, xasiloonidarrada siyasadeed ee uu abuurayna in madaxtooyadii Aag la isugu jiro oo asaga iyo xukuumadiisii aysan wax wada shaqayn ah lahayn

Tan Lixaad: maba soo qaadin wax doorasho la yiraahdo, Dhaarinta xildhibaanada iyo gobolka Gedo oo siyaasadda gurracan ee Farmaajo ay sababtay in illaa iyo hadda muranka kuraasta taalla uu socdo.

Ugu dambayn duqu wuxuu u muuqday nin ummad iyo caalam kale la hadlaya oo ka boodsan waaqaca runta ah ee Soomaaliya. waxaana rajaynayaa khuda


AFEEF: Aragtida qoraalkan waxay ku kooban tahay qofka ku saxiixan, kama turjumeyso siyaasadda Garowe Online. Axmed Macalin Fiqi, waa agaasimihii hore ee NISA, wasiirkii hore amniga Galmudug iyo Xildhibaan Aqalka Hoose

Related Articles

Xasan Sheekh “loo joojin maa” maku dhamaysanayaa labada sano u dhiman?

“Waxaa ayaan daro ah in ninkii Xamar madaxwayne ka noqdaba guusha ugu wayn ee uu rabo in uu gaaro ay tahay in uu Puntland la dagaalo”.

  • Fikradaha

    01-04-2024

  • 01:52AM

Baarlamaanka Soomaaliya oo saddex goor ansixiyey dukumiinti uusan arag

Ilaa iyo haatan cid aragtay ma laha nuqulka kama danbeysta ah ee afarta cutub, lamana garanayo waxa uu Madaxweynuhu xalay sidii hindise sharciyeedka oo kale u saxiixay.

  • Fikradaha

    01-04-2024

  • 12:53AM