Aabe iska bixin waayey deyn lagu lahaa oo gabadhiisa ceeji lagu dilay

Image

NEW DEHLI, India – Gabar laba sano jir ahayd ayaa ceeji lagu dilay gudaha Hindiya ka gedaal markii, sida la sheegay, aabaheed uu iska bixin waayey lacago deyn ah oo lagu lahaa taasi oo dhan 142 dollar.

Inantan oo kasoo jeeday bulshada Hinduuga ayaa waxaa laga waayey hoygooda degmada Aligarh, waqoyga Hindia, 30-ka bishii May kahor inta aanan meydkeeda laga helin god qashin 2-dii bishaan June.

Booliska ayaa laga soo xigtay in laba ruux oo, sida lagu waramayo, ah Muslimiin waxay qirteen in ay ka dambeeyeen falkan oo caro iyo mudaaharaadyo xoogan ka abuuray guud ahaan gobolka.

Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu soo daabulay gobolka, halkaasi oo si lamid ah la hakiyey adeegsiga Internet-ka, talaabo lagu sifeeyay in lagu xoojinayo nabada, xasiloonida iyo kala dambeynta.

Dhacdooyinka noocaan ah ee ku saabsan dilalka arxanka daran ee lagula kacayo caruurta iyo haweenka ayaa waxay aad ugu soo badanaya Hindiya, oo ay ku nool yihiin 1.339 bilyan oo ruux.

Dowladda oo ku cel-celisa in ay la tacaaleyso ayaa u muuqata mid ku guuldareystay xili ciwaanada maalin-malaha ee saxaafada dalkaasi ay yihiin wararka ku aadan kufsiga iyo dilka caruurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM