Afghanistan iyo falaagada Talibaan oo is-weedaarsanaya maxaabiis

Image

KABUL, Afghanistan – Dowladda Afghanistan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay xorriyadooda siineyso dagaalameyaal ka tirsan falaagadda Talibaan.

Xafiiska madaxweyne Ashraf Ghani ayaa Talaabada maanta ah wuxuu shaaca ka qaadey in tani ay daaran tahay maxaabiis is-weedaarsi.

Xubnaha Taliban ayaa lagu bedelayaan sii deynta laba Porofeesar oo u kala dhashay dalalka Mareykanka iyo Australia kuwaasoo la qadaashay.

Kevin King, oo Ameerikaan ah, iyo Timothy Weekes, oo Australia u dhashay, ayaa 2016-kii laga afduubtay banaanka American University, duleedka Kabul.

Ghani ayaa ku nuux-nuux saday in ay rajeynayaan in arrintan ay dhabaha u xaari doonto wada hadalo aan toos ahayn oo ay yeeshaan labadda dhinac.

Bishii September ee sanadkan ayay ahayd markii ay fashilmeen wada xaajoodyo bilooyin socda markii Washington diidey shuruudo la hordhigay.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, shuruudda ayaa waxay ahayd in ciidamadda Ameerikaanka ah ka baxaan gudaha waddankaas muhiimka ah.

Xukuumadda Washington ayaa miiska waxay soo saartay in Afghanistan aysan noqon "meel looga soo duulo Mareykanka iyo xulafadiisa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM