Askar Ameerikaan ah oo ku geeriyootay diyaarad burburtay

Image

WASHINGTON, US – Laba kamid ah ciidamada Mareykanka ayaa ku geeriyooday markii Arbacadii ay Afghanistan ku burburtay diyaarad nooca qumaatiga u kacday oo ay saarnaayeen, sidda uu shaaciyey taliska milatariga.

"Sababta keentay shilka baaritaan ayaa ku socda, sikastaba, warbixino horudhac ah ma tilmaamayaan in ay ka dhalatay madfac ka yimaada cadowga," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed warbaahinta loo diray.

Lama shaacin halka uu ka dhacay shilka, waxaana bayaanka lagu caddeeyay in magacyadda askarta dhimatay aan lasoo bandhigi doonin inta laga wargelinayo qoysaskooda kadibna ogolaadaan in la baahiyo.

Falaagadda Talibaan ayaa sheegatay mas'uuliyadda iyadda oo tilmaamtay in ay soo riddey diyaaradda oo ay tilmaameen in ay ku kusoo dhacday gobolka Logar ee koonfurta magaaladda caasimadda ah ee Kabul.

Ma jiraan warar madaxa banaan oo xaqiijinaya sheegashadda ka timid ururkaas dagaalka kula jira dowladda Afghanistan oo meesha ka saartay in Talibaan ay wax door ah ku lahayd burburka diyaaradda.

Dhacdadaan ayaa kusoo aadeysa maalin kadib markii ay maxaabiis is-weedaarsadeen labadda dhinac, kuwaasoo isugu jira taliyeyaal ka tirsan Talibaan iyo muwaadiniin u kala dhashay Mareykanka iyo Australia.

Mareykanka ayaa waxaa gudaha Afghanistan ka jooga ciidamo badan oo Ameerikaan kuwaasoo qayb ka ahaa fashil ku yimid wada hadalo nabadeed oo u socday Washington iyo Taalibaan oo codsatay in ay baxaan.

Sidda ay sheegtay Qaramadda Midoobay, 2,500 oo ruux oo shacab ah ayaa illaa iyo haatan kaliya sanadkan 2019 ku naf-waayey colaadda raagtay ee Afghanistan, waxaana wehliya boqolaal kale oo si baaxad leh u barakacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM