Baaris lagu bilaabay duqeyn uu Mareykanka ku dilay askar

Image

KABUL, Afghanistan – Milatariga Mareykanka ayaa "si khaldan" waxa uu duqeyn ugu dilay Sideed kamida ciidamada Booliska Afghanistan.

Shilka oo Talaadadii ka dhacday gobolka koonfurta dhaca ee Helmand ayaa ka dambeeyay markii ay Taliban kusoo duushay xoogaga dowladda.

Afhayeenka wasaarada amniga gudaha ayaa shaaciyey in weerarka cirka uu ahaa mid garab lagu siinayey ciidamada.

Balse Nusrat Rahimi ayaa nan meesha ka saarin in baaritaan lagu bilaabay, isla markaana xaqiiqada ay soo bandhigi doonan.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa dhimashada askarta waxay gaarsiineysaa 17 sarkaal oo ciidamada Booliska ka tirsanaa.

Mareykanka ayaa ciidamadiisa u daabulay wadankaasi sanadkii 2014-kii waxayna qayb ka yihiin howlgalka ay halkaasi ka wado NATO.

Gobolka Helmand ayaa horey looga soo wariyey dhacdooyin noocaan ah inkasta oo ay u badan yihiin waxyeelo soo gaaray dad shacab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM