Biriq ku habsatay koox dad ah oo kaliya galaafatay haweenay

Image
Image
Image

LONDON, UK - Hal qof oo dumar ah ayaa ku geeriyootay ka gedaal markii ay ku habsatay biriq, iyaddda oo mareysay dhul buuraley ah.

Haweenaydan ayaa ku jirtay koox ka kooban todoba ruux kuwaasoo ay musiibadan ku haleeshay Na Gruagaichean oo ah buur ku dhow buurta kale ee Ben Nevis.

Booliska Scotland ayaa shaaca ka qaadey dhamaan shaqsiyaadkaasi uu soo gaarey dhaawacyo balse kaliya haweenaydaasi ay geeriyootay.

Marxuumad Isobel Bytautas oo ahayd 55-sano jir ayaa waxaa goobta looga qaadey dhaawac ahaan balse dib ayaa laga soo sheegay dhiashadeeda.

Wararka ayaa intaasi raacinaya in haweenay kale oo dhibaneyaasha ku jirta ay wajaheyso xaalad aanan kala caddeyn.

Bileyska ayaa ku waramaya in haweenaydaasi ay u gudbin doonan Isbitaalka weyn si xaaladeeda caafimaad si gaar ah isha loogu hayo.

Mas'uuliyiinta goobta ay mashaqadu ka dhacday ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska ay kasoo jeeda haweenaydaasi oo ay naxariis u rajeeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM