Booliska UK oo bilaabay baaritaanka "dilka" gabar Soomaali ah

Image

LONDON, UK – Bileyska Ingiriiska ayaa si rasmi ah wuxuu markii ugu horeysay uga hadlay gabar Soomaali ah taasoo meydkeeda laga helay Khamisitii lasoo dhaafey webi ku yaala magaaladda Manchester si gaar ah degmada Bury.

Shukri Cabdi, oo 14-jir ahayd, ayaa Boqortooyadda Ingiriiska waxay tegay sanadkii hore 2018-ki markii ay kasoo baxeen xero qaxooti oo ku taala Kenya, halkaasi oo ay tageen kadib colaadihii ka qarxey Soomaaliya sanadkii 1991-dii.

Waalidkeeda oo aad uga naxay dhimashdeeda, ayaa rumeysan in Inantooda aysan ku dhicin webiga balse lagu riday, taasina ay keentay geerideeda.

Bileyska oo ku adkeysanaya in aysan taasi jirin ayaa ka cagojiidayey baaritaan uu kiiskan ku sameeyo balse codsiyo ka yimid dadweynaha waxay ku kaliftay in ay dabagalka bilaaban.

Zamzam Tuure, hooyadda dhashay marxuumada, oo ku tilmaamtay "qof degan oo mar kasta ka fekera mustaqbalkeeda" ayaa ka qeybgashay isbuucan isu soo bax cadaalad loogu raadinayo Shukri.

Andrew Naismith, oo ah sarkaal sarre oo ka tirsan booliska magaaladda Manchester, ayaa shaaca ka qaadey in natiijada baaritaanka ay lasoo wadaagi doono, walise aysan jirin wax isbedel ah.

"Baaritaanka waa uu socdaa. Balse, waa xili hore mase jirto wax muujinaya in ay jiraan cid saddexaad oo ku lug lahayd dhacdada," ayuu yiri, isaga oo raaciyey "Dad badan baan la hadli doono, waan sii wadeynaa.

Inta lagu guda jiro xuuraanka, waxaa la rajeynayaa in ay baareyaasha su'aalo waydiin doonan ardayda ay Iskuulka la dhigan jirtay, si ay u ogaadaan hadii ay jiraan dad ay colaad kala dhaxeysay.

"Baaritaanka waxaan filaynaa in aan soo afmeerno kadib afar illaa iyo sideeda todobaad ee nagu soo fool leh," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Andrew Naismith, kaasoo rajo wanaagsan muujiyey.

Sanadihii u dambeeyay wadamada Yurub si gaar ah Ingiriiska ayaa waxaa kusoo badanayey beegsiga Soomaalida taasi oo qeyb ka ah duufaanta Islaam naceybka oo kusii baaheysa dalalka oo reer Galbeedka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM