Boqorka Sacuudiga oo wiilkiisa xil sarre uga magacaabey xukuumada

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan, ayaa wiilkiisa, Cabdicasiis, waxa uu u magacaabay Wasiirka Tamarta wadankaas.

Jagadaasi ayaa kamid ah kuwa ugu muhiimsan qarankaas Carbeed, sidda laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha dowladda

Wasiirka cusub ee Tamarta ayaa waxa ay walaalo yihiin Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan.

Magacaabida ayaa waxaa Axada maanta ah si rasmi ah ugu dhawaaqday Wakaalada wararka u faafisa Sacuudiga.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo dowladdu shaacisay in ay u baahan tahay kobac dhaqaale oo ay ku saleyso wax soo saarka Shidaalka.

Waa markii ugu horeysay oo qoyska majaraha u haya Sacuudiga ee Al Sacuudi ay qabtaan xilka xasaanadda leh ee Wasaarada Tamarta.

Amiir Cabdicasiis oo waayo aragnimo badan u leh dhanka Tamarta ayaa markii uu 20-jir ah wuxuu lataliye u ahaa Wasiirka Tamarta, sanadkii 1985-tii.

Sanadkii 1995-tii ayaa waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka Tamarta, booskaasi oo uu hayey ku dhowaad tobban sano.

Jamaacadda Fahd ayuu ka bartay culuumka Batroolka iyo Macdanta. 2017-kii caawiye ayuu u ahaa Wasiirka Tamarta markaasi oo wasiiru dowle laga dhigay.

Isaga oo bedelaya Khalid al-Falih, oo dhowaan laga saarey guddiga sare ee shirkada shidaalka dowladdu maamusho, lagama filayo in uu wax isbedel ah ku sameeyo siyaasadda Shidaalka dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM