Dad ku dhintay toogasho ka dhacday Mareykanka

Image

WASHINTONG, US – Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay markii qof hubeysan uu rasaas ku furay dad ku sugan goob ay ku cibaadeystaan dadka Yahuuda oo ku taalla gobolka California ee Mareykanka.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegaysa in laba ruux kale ay ku dhaawacmeen weerarkaan, inkasta oo tirada ay sii kordhi karto.

Sidda uu sheegeen Booliska, markii uu falku dhacayay waxaa dhismaha ka socotay dabaaldegga Passover oo dadka Israariiliyiinta ah ay Axad walba sameeyaan.

Laamaha amaanka ayaa shaaciyey in ay gacanta ku hayaan ninka dhibaatadaan geystay, isla markaana uu cadaaladda wajihi doono.

Ninka oo magaciisa lagu sheegay John Earnest ayaa laga soo qabtay halka ay dhibtu ka dhacday oo ah Poway oo ku taala waqoyga magaaladda caanka ah ee San Diego.

Mareykanka iyo dunida inteeda kale waxaa sii kordhayey weerarada looga soo horjeedo Yahuuda tan iyo markii uu magaalada barakeysan ee Qudus oo u aqoonsaday Donald Trump caasimada Israa'iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM