Dadweynaha Ingiriiska oo u dareeraya doorasho taariikhi ah

Image

LONDON, Britain – Guud ahaan Ingiriiska ayaa maanta oo Khamiis ah looga dareerayaa doorasho taariikhi ah oo nooceeda aan horey loo arag tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka.

Doorashadan ayaa la sheegay in ay saameyn ku yeelan doonto mustaqbalka fog ee Britain iyo siyaasadda dalalka qaaradda Yurub.

Arrimaha ugu waaweyn ee hareeyay ololaha waxaa kamid ah ka bixitaanka Midowga Yurub, dambiyadda iyo qodobo kale oo waaweyn.

Ra'iisul wasaare Boris Johnson, hogaamiyaha xisbiga talada haya ee muxaafadka, ayaa balanqaaday in uu UK kaga saari doono EU-da muddo sanad ah.

Halka hogaamiyaha mucaaradka Jeremy Corbyn uu wacad ku maray in uu muddo saddex bilood ah ku qabanayo afti lagu diidan yahay ka bixitaanka.

Saadaal la sameeyay ayaa muujineysa in 33% ku guuleysan karo mucaaradka, halka 44% uu labinta ku heli karo xisbiga muxaafadka.

Dadka laga tiradda badan yahay oo gaaraya 7.5 milyan ayna ku jiraan Soomaalida ayaa la filayaa in ay u coddeeyaan xisbiga shaqaalaha ee Corbyn.

Natiijadda rasmiga ah ee coddeynta oo la filayo in ay go’aamiso hadii UK kasii mid ahaaneyso Yurub iyo in kale ayaa lagu waddaa in lagu dhawaaqo maalinta Jimcaha ah ee todobaadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM