Dal in uu hawadiisa isticmaalo u diidey ra'iisul wasaaraha Hindiya

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Dowlada Pakistan ayaa Axadda maanta ah waxay si rasmi ah ugu diiday ra'iisul wasaaraha India in uu adeegsado hawadda waddankaas.

War-qoraal ah oo xukuumadda Islamabad kasoo baxay ayaa waxaa sharaxaad looga bixiyey sababta ay salka ku hayso diidmadda.

Sidda ku xusan qoraalka, diidmada ayaa daaran "xadgudubyadda daran ee ka socda gobolka Kashmir gaar ahaan qeybta India ay maamusho".

Go'aankan ayaa imaanaya iyadda oo xiisadda, dowladahan ku hubeysan hubka sida xun wax u gumaada ee Nukliyeerka, ay sii kordheyso.

Xurgufta ayaa xoogeysatay markii Hindiya ay laashay aqoonsiga gaarka ee gobolka Muslimiintu ku badan yihiin kuna soo rogtay howlgalo.

Dhaqdhaqaaqyadda ammaanka ayaa waxay socdaan muddo bilooyin ah, iyadda oo isu socodkii gobolka uu noqday mid aad u culus.

Waa markii saddexaad oo isbuucyo gudaheeda ah ay Islamabad u diiday hogaamiyeyaasha India in ay isticmaalaan hawadeeda.

Dalab ka yimid madaxweynaha Hindiya, Ram Nath Kovind, iyo ra'iisul wasaare Narendra Modi ayaa hoos loo dhigay bishii lasoo dhaafay.

Modi ayaa kusii jeeday Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kaga qeybgeli lahaa shir looga hadlayo arrimaha ganacsiga, kaasoo muhiim u ah dalkiisa.

Kashmir oo dadka ku nool badankooda ay Muslimiin yihiin ayaa waxaa isku haysta labada dal, iyadda oo dagaalo qaraar oo dhexmaray uu dhimasho keenay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM