Diblumaasi dusiyey wadahadalka Trump-Moon oo dacwad wajahaya

Image

WASHINGTON, US - Diblumaasi u dhashay Kuuriyada Koonfureed oo fadhigiisu yahay Washington ayaa lagu soo oogay dacwado dambi ah markii uu dusiyey xogta kulan dhex-maray hogaamiyeyaasha dalkiisa iyo kuwa kale.

Talaabo naadir ah, diblumaasiga ayaa Xildhibaan mucaarad ah la adaagay fahfaahinta wadahadal telafoonka ah oo 7-dii May ay yeesheen madaxweynaha Mareykanka iyo dhigiisa Kuuriyada Koonfureed.

Tafaasiisha ayaa sheegeysa in Moon Jae-in uu ka codsaday Donald Trump in uu soo booqdo Seoul kadib safarkiisa Japan ee Isniintii soo gabagaboobay iyo hadii Trump ogolaaday cadaadiska lagu sii kordhiyo Kuuriyada Waqooyi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Talaada maanta ah xaqiijisay warkaan ayaa tibaaxday in ay dacwada ka gudbisay diblumaasiga iyo Khang Hyo-shang, Xildhibaan kamida xisbiga ugu wayn mucaaradka.

Balse ma aysan soo bandhigin wasaaradda magaca diblumaasiga.

"Si aan u xaqiijino hadii Xildhibaanka uu sabab u yahay in macluumaadkaasi fahfaahsan uu bixiyo mas'uulka ayaanu u gudbinay dacwadda," ayaa lagu yiri nuqul kamida bayaan kasoo baxay wasaaradda.

Kadib markii uu helay macluumaadkaasi, Khang oo qabtay shir-saxaafadeed waxa uu ku eedeeyay Moon "in uu ka tuugayo" Trump socdaal uu ku yimaado Kuuriyadda Koonfureed.

Wakaalada wararka u faafisa wadankaasi qaaradda Aasiya dhaca ayaa ku warameysa in dacwada wasaaradda arrimaha dibada ay tahay natiijo ka dhalatay baaris ka dhan ah diblumaasiga iyo mas'uul isla safaarada ka tirsan.

Labadooduba waxay wajihi karaa "talaabooyin adag" oo ay kamid tahay shaqo joojin, ayay raacisay wakaaladda.

Dibloomaasiga ayaa qiray in qalad uu sameeyay, balse waa uu beeniyay "in uu ku kacay wax aanan ku habooneyn siyaasadda dibadda ee xukuumadda", Yonhap ayaa isaga ka soo xigtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM