Diyaarad uu leeyahay ciidanka cirka Mareykanka oo burburtay

Image

BARLIN, Germany – Diyaarad nooca dagaalka ah oo uu leeyahay ciidanka cirka Mareykanka ayaa Talaadada maanta ah ku burburtay dhul lama degaan ah oo ku yaala Galbeedka magaaladda Jarmalka ka tirsan ee Trier.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta SWR, nasiib wanaag, duuliyihii diyaaradda ayaa si nabdoon wuxuu kaga badbaaday shilka.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Cirka Germany ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay baarayaan sababta keentay shilka.

Duqa magaaladda dhacdada laga soo wariyey ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in diyaaradda ay ku dul-dhacday Aag ay geedo ku yaalaan.

Goobta uu shilku ka dhacay ayaa waxaa lagu arkay shidaal badan oo ka daatay diyaaradda, sidda uu shaaciyey booliska maxaliga ah.

Taliska Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa nan wali ka hadlin shilkan. Balse, sarkaal ka tirsan xoogagaas ayaa laga soo xigtay "waynu ka war haynaa".

Billo kahor ayay ahayd markii diyaarado ay leeyihiin ciidanka cirka Jarmalka ay isugu dhaceen hawadda sare, waxaana falkaas oo Waqooyi Barri laga soo wariyey ku dhintay mid kamid ah labadda duuliye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM