Diyaarad uu madaxweyne safar ku geli lahaa oo ay cilad ku timid

Image

BERLIN, Germany – Diyaarad uu madaxweynaha Germany, Frank-Walter Steinmeier, ku aadi lahaa Polland ayaa Sabtidii waxaa ku tmid cilad farsamo.

Tani ayaa waxay dhabaha u xaartay in Steinmeier iyo wafdigiisa ay kolkii dambe qaataan diyaarad kale, oo ay ku gaareen dalkii ay kusii jeedeen.

Ma cadda ciladda, balse afhayeen u hadlay shirkadda wuxuu sheegay in ay tahay dhibaato kasoo food-saartay dhanka matoorka.

Steinmeier ayaa markii hore loo qorsheeyay in uu safar ku galo Airbus A321, balse markii ay ciladda timid waxaa Berlin ka duulisay A319.

Airbus A321 ayaa ah diyaaradda rasmiga ah oo ay raacaan mas’uuliyiinta qarankan dhaca qaaradda Yurub.

Madaxweynaha oo si nabdoon uga degay magaaladda Luftwaffe ayaa Polland uga qeybgalay xuska 80-sano guurada dagaalkii labaad ee aduunka.

Taariikhdaasi ayaa waxay ku suntan tahay markii ciidamada Naziyiinta Jarmalka ay dagaalkii labaad ee aduunka ku galeen waddanka Poland.

Isaga oo ka hadlayey xafladda, Steinmeier ayaa madaxda dalkaasi waydiistay cafis, maadaama ay dhibaato u horseedeen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo mushkilad noocaan oo kale ay soo foodsaarto madaxda waddanka Jarmalka.

Dhowaan ayey ahayd Wasiirka arrimaha dibadda, Heiko Maas, uu xoogaa dib u dhac isaga oo kusii jeeday New York markii ay cilad soo foodsaartay diyaaradiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM