Doorashada madaxtinimada Nigeria oo maalintii labaad socota

Image

March 29, 2015 (GO)- Doorashada madaxtinimada iyo tan barlamanka ayaa maalintii labaad ka socota guud ahaan dalka Nigeria.

Maalin dheeri ah ayaa lagu daray waqtiga doorashada kadib markii ciladi ku timid kaararka electronic-ga ah ee ay dadku ku codeynayaan.

Qalabka aqoonsada kaararka cod bixiyeyaasha ayaa ku fashilmey inuu aqblo boqollaal kun oo kaar. Dadka kaararkooda cod bixinta kumbuyuutarradu diideen waxaa kamid ah Madaxweyne Goodluck Jonathan.

Lixdan milyan oo qof ayaa is diiwaan geliyey si ay doorashada uga qayb galaaan.

Murashaxiinta xilka madaxweynaha waxaa ugu cad cad murashaxa xisbiga PDP islamarkaana ah madaxweynaha xilligan haya talada dalka Nigeria Goodluck Jonathan iyo murashaxa xisbiga APC Muhammadu Buhari oo ah sarkaal ciidan horayna jagooyin sare uga soo qabtey militeriga.

Hal milyan oo shaqaale ah ayaa ka hawlgelaya goobaha cod bixinta, guddiga doorashaduna waxay sheegeen in natiijada doorashada la shaacin doono 48saac gudahood.

Ammaanka guud ee dalka Nigeria si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana jirta cabsi laga qabo weerarro ka yimaada dhanka kooxda Boko Haram iyo weliba in rabshado bilowdaan marka la shaaciyo natiijada doorashada.

Labada murashax ee loollanka xooggani ka dhexeeyo (Jonathan iyo Buhari ) oo kala meteleya bulshooyinka muslimka iyo Chrisitan-ka ee dalkaas wada dega ayaa ballan qaaday inay aqbalayaan natiijada doorashada si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed iyo rabshado dhiig ku daato.

Rabshado ka dhashay doorashadii ugu dambeysey oo dhacdey sanadkii 2011 waxaa sida Qaramada Midoobey sheegtay ku geeriyoodey in ka badan 800 oo qof.

Lix todobaad kahor ayaa qorshuhu ahaa in doorashadani dhacdo, balse dib ayaa loo dhigey kadib markii xaaladda amamaanku soo xumaatey qaybo badan oo kamid ah waqooyi-bari dalkaasna ay la wareegeen mileeshiyaadka Boko Haram.

Waa markii lixaad ee doorasho caynkan ahi ka dhacdo dalka Nigeria laga soo bilaabo sanadkii 1999 markaasoo talada dalkaas dowlad madani ahi la wareegtey.

Nigeria waa dalka ugu dhaqalaha fiican guud ahaan wadamada Africa, balse heerka shaqo la'aanta iyo saboonimada ayaa aad u saarreeya.

GAROWE ONLINE + Wakaaladaha

Related Articles

Duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil ee Iran oo sii socda; in ka badan 1,045 qof oo la dilay

Xiisadda sii kordheysa ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in colaadda ay ku faafto Bariga Dhexe oo dhan.

  • Caalamka

    05-03-2026

  • 06:38AM

Mareykanka oo Markab dagaal oo Iran leedahay ku gubey meel ku dhaw Sri Lank 

Ugu yaraan 87 qof ayaa lagu dilay markabka la dejiyay, iyadoo lasoo badbaadiyay 32 of oo la geeyay Isbitaalo ku yaala Sri Lanka.

  • Caalamka

    04-03-2026

  • 10:31PM