Antonio Guterres oo cambaareeyay weerarkii huteelka Kismaayo

Image

WASHINGTON, US – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu cambaareeyay weerarka huteelka Kismaayo, koonfurta Soomaaliya, kaasi oo ay Al-Shabaab ku dishay in ka badan 11 ruux.

Sidda uu sheegay afhayeenkiisa, Antonio Guterres ayaa wuxuu tacsi u diray dhamaan ehelada ay dadkooda ku naf-waayeen dhacdadaasi, isaga oo soo kabasho u rajeeyay bukaanada.

Stephane Dujarric ayaa tibaaxay in xoghayaha uu mar kale cadeeyay garab istaagiisa dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah argagixsada iyo baadigoobka nabad.

Gabal-dhicii Jimcaha ayey ahayd markii afar dabley hubeysan ay ku daateen huteelka Cas-casey kahor inta uusan qarax gaari oo uu waday naf-tii hore uusan ku beegsan albaabka huteelka.

Huteelka ayaa degaan u ahaa Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo wasiiro. Wararka waxay tibaaxayaan in mudaneyaal ay ku sugnaayeen xiliga uu duulaanku dhacayey.

Illo wareedyo ayaa intaasi raacinaya in sharcidejiyayaasha ay la kulansanaa odayaasha dhaqanka oo ay kala arrin-sanayeen doorashada baarlamaanka iyo tan madaxtooyada Jubbaland ee bisha Agoosto.

Warbixinada ayaa intaasi raacinaya in weerarka oo 15-saacadood kadib lasoo afjarey ay ku geeriyoodeen dad ay kamid yihiin wariyeyaal iyo mid kamid ah murashaxiinta coddeynta. [Halkan ka akhriso].

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa magaalada dekada leh ahna xarunta gobolka Jubadda Hoose laga saarey 2012-kii, sanad kadib markii laga xoreeyay magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM