Guusha Boris oo horseedeysa in UK deg-deg uga baxdo Midowga Yurub

Image

LONDON, UK - Ra'iisal Wasaaraha Ingriiska, Boris Johnson, oo ku guuleystey doorashadii dhacdey Khamiistii ayaa natiijada cod-bixintaan waxay sahleysaa in dalkaas muddo kooban kaga baxo Midowga Yurub. 

Johnson ayaa 20-kii asbuuc uu hayey xilkaan waxaa lagu xusuusto kala qaybsanaan soo wajahdey xisbigiisa halka isu soo baxyo farabadan ka dhaceen jidadka waaweyn ee magaalooyinka UK.

Guusha u soo hoyatey habeenimadii Khamiista ayaa waxay ka markhaati kacayesaa ku adkeysigiisa ku aadanaa in Britain ay soo gabagabeyso kamid ahaanshiyaha Midowga Yurub.

55-jirkaan laga sugi-mayo kaliya in Ingriiska uu ka saaro midowga Yurub balse waxa looga fadhiyaa inuu shacabka wadankaas u xaqiijiyo faa'idooyinka Britain ka heleyso ka bixitaanka ururkaas.

Xisbiga Boris Johnson ayaa 650 kursi oo uu ka kooban yahay Barlamanka Ingriiska ku guuleystay 368. Natiijadaan ayaa ka dhigeysa midii ugu badneyd tan iyo intii Margaret Thatcher la doortey 1987.

Isagoo ka hadlayey fagaaro kadib guusha, Boris oo u mahadceliyey cod-bixiyeyaasha ayaa ayiday in guusha u sahleyso in ay fuliyaan balanqaadkii ay shacabka UK u sameeyeen.

"Waxaan u maleynayaa in tani noqoneyso talaabo taariikhi ah oo nasiineysa in aan fulino balanqaadkii aan sameynay iyadoo la xaqdhowrayo xuquuqda shacabka u leeyahay iney go'aan dimuqraadiyad ah sameeyaan".

Xisbiga Shaqaalaha ayaa la saadaaliyey inuu ku guuleysan doono 203 kursi, natiijadaan oo ka dhigeysa midii ugu xumeyd tan iyo intii la aasaasey 1935.  

Xisbigaan ayaa intii uu ololaha ku jirey balanqaadey in dadka Ingriiska la waydiin doono cod kale oo ah kamid ahaanshaha ama ka bixista ururka Midowga Yurub. 

Madaxweyne Donald Trump, oo fariin qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa tahniyad u diray Johnson, isaga oo sheegay in tani ay bog cusub u fureyso xiriirka Ingiriiska iyo Mareykanka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM