Guusha Boris oo horseedeysa in UK deg-deg uga baxdo Midowga Yurub

Image

LONDON, UK - Ra'iisal Wasaaraha Ingriiska, Boris Johnson, oo ku guuleystey doorashadii dhacdey Khamiistii ayaa natiijada cod-bixintaan waxay sahleysaa in dalkaas muddo kooban kaga baxo Midowga Yurub. 

Johnson ayaa 20-kii asbuuc uu hayey xilkaan waxaa lagu xusuusto kala qaybsanaan soo wajahdey xisbigiisa halka isu soo baxyo farabadan ka dhaceen jidadka waaweyn ee magaalooyinka UK.

Guusha u soo hoyatey habeenimadii Khamiista ayaa waxay ka markhaati kacayesaa ku adkeysigiisa ku aadanaa in Britain ay soo gabagabeyso kamid ahaanshiyaha Midowga Yurub.

55-jirkaan laga sugi-mayo kaliya in Ingriiska uu ka saaro midowga Yurub balse waxa looga fadhiyaa inuu shacabka wadankaas u xaqiijiyo faa'idooyinka Britain ka heleyso ka bixitaanka ururkaas.

Xisbiga Boris Johnson ayaa 650 kursi oo uu ka kooban yahay Barlamanka Ingriiska ku guuleystay 368. Natiijadaan ayaa ka dhigeysa midii ugu badneyd tan iyo intii Margaret Thatcher la doortey 1987.

Isagoo ka hadlayey fagaaro kadib guusha, Boris oo u mahadceliyey cod-bixiyeyaasha ayaa ayiday in guusha u sahleyso in ay fuliyaan balanqaadkii ay shacabka UK u sameeyeen.

"Waxaan u maleynayaa in tani noqoneyso talaabo taariikhi ah oo nasiineysa in aan fulino balanqaadkii aan sameynay iyadoo la xaqdhowrayo xuquuqda shacabka u leeyahay iney go'aan dimuqraadiyad ah sameeyaan".

Xisbiga Shaqaalaha ayaa la saadaaliyey inuu ku guuleysan doono 203 kursi, natiijadaan oo ka dhigeysa midii ugu xumeyd tan iyo intii la aasaasey 1935.  

Xisbigaan ayaa intii uu ololaha ku jirey balanqaadey in dadka Ingriiska la waydiin doono cod kale oo ah kamid ahaanshaha ama ka bixista ururka Midowga Yurub. 

Madaxweyne Donald Trump, oo fariin qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka, ayaa tahniyad u diray Johnson, isaga oo sheegay in tani ay bog cusub u fureyso xiriirka Ingiriiska iyo Mareykanka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM