Haweenay isa soo miidaamiday oo dad badan ku dishay Pakistan

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Ugu yaraan tobban ruux ayaa ku geeriyootay ka gedaal markii qarax is-miidaamin uu Axadda maanta ah ka dhacay magaaladda Dera Ismail Khan ee dalka Pakistan.

Kahor qaraxa dabley ayaa rasaaseysay ciidamo ku sugan kontarool ay ku hubiyaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale.

Kadib toogashadda oo ay laba ruux ku dhimatay, is-miidaamin culus ayaa lagu dhuftay dhismaha Isbitaal mashquul badan.

Sawirro laga soo qaadey goobta ayaa muujinaya in weerarka uu burbur u horseeday qeybo kamid ah xaruntaasi caafimaad.

Saraakiisha ammaanka ayaa rumeysan in qofka is-qarxiyey ay ahayd haweenay isa soo miidaamiday, inkasta oo aysan magaceeda shaacin.

Kooxda Taliban faraceeda wadankaasi ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda dhacdadaasi, wallow aysan ka hadlin hadii qofka is-qarxiyey ay dumar ahayd.

Dera Ismail Khan, magaalo ku taala Galbeedka dalkaasi dhaca qaaradda Aasiya, ayaa hoostagta gobolka Khyber Pakhtunkhwa, halkaasi oo kooxo dowladda kasoo horjeeda ay weeraro ka geystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka walaacsan in Zohran Mamdani uu noqdo duqa New York

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay Fox News oo la baahiyay Axaddii, isagoo si gaar ah u beegsaday Mamdani.

  • Caalamka

    30-06-2025

  • 08:04AM

Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

  • Caalamka

    29-06-2025

  • 11:11AM