Go’aan laga gaarayo codsiga Kenya ee dib-u-muddeynta kiiska badda

Image

HAGUE, Holland – Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ayaa lagu wadaa in ay go’aan cad kasoo saarto codsi ay Kenya u gudbisay oo ku aadan in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya.

Go’aanka ICJ ayaa la filayaa in uu kusoo baxo sida ugu dhaqsiyaha badan maadaama waqtigii hore loo muddeeyay ay tahay 9-ka bishan September oo ku beegan Isniinta soo aadan.

Xukuumadda Nairobi oo qiil ka dhiganeysa in u baahan tahay waqti ay ku qorato qareeno cusub ayaa eriday kuwii hore markii ay wax natiijo ah kasoo hooyi waayeen fadhiyadii hore ee galkan.

Soomaaliya oo "waqti lumis" ku tilmaamtay dalabka dhigeeda ayaa su'aal ka keentay sababta ay "mar xaaladan xasaasiga ah" u yimid codsigan, waxayna soo jeedisay in halkiisa laga sii wado.

Sikastaba ha ahaatee, ICJ ayaa waxaa laga dhowrayaa go’aan aad u culus, kaasi oo aanan laga sii horudhici karin waxa uu noqon doono maadaama labada dal mowqifkooda ay si cad u muujiyeen.

Kiiskan oo soo bilowday bishii August ee sanadkii 2014-kii ayaa ku saleysan goob badkeeda lagu qiyaasay 100 KM oo isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah kheyraad dabiici ah sida Gaas iyo Shidaal.

Gal-dacwadeedkan ayaa xiisad diblumaasiyadeed ka dhex-qarxiyey dowladahan deriska ah, kuwaasi oo mid oo kamid ah uu qaadey talaabooyin u muuqday mid uu ku difaacanayo doodiisa.

Baarlamaanka Kenya ayaa dhowaan waxaa la horgeeyay qaraar xeerinaya in hadii looga guuleysato dacwadda ay ciidamo u diri doonan goobta ay sheeganayaan, taasi oo lagu tilmaamay "dagaal".

Xeer-dejinta Soomaaliya ayaa dhankooda diyaarinaya marka ay dib ugu soo laabtaan fadhigooda mooshin dalka looga saarayo ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM kana howlgala Jubooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM