Nin Model-ka caan Ku ahaa oo dhintay isagoo masraxa taagan

Image

SAN PAOLO, Brazil – Nin dharka xayeysiiya ayaa geeriyooday markii uu ku suuxay masraxa Bandhiga Todobaadka Iidhehda ee wadanka Brazil, qaarada Ameerika.

26-sano jir, Tales Soares, oo caan ku ah magaca Tales Cotta ayaa si lama filaan ah dhulka ugu dhacay Sabtidii isaga oo ku socda halka loogu talogalay Iidhehisteyaasha.

Muuqaal laga soo qaadey goobta ayaa muujinaya xaalad cakiran iyo jahwareer durbadiiba ka dhalatay suuxitaanka xili Isbitaal loola caray Tales si loo badbaadiyo noloshiisa.

Nasiib daro, goor dambe ayaa waxaa lasoo wariyey in Tales uu dhintay, sidda ay xaqiijiyeen qaban-qaabiyeyaasha Bandhigaasi.

Wali ma cadda sababta keentay geerida Tales, balse baaritaan ayaa lagu bilaabay, sidda laga soo xigtay laamaha nabad-gelyadda.

Ka qaybgalayaasha iyo dadka isku soo dabariday munaasabadaan ayaa tacsi u diray qoyska marxuumka, iyaga oo u rajeeyay wanaag, kuna tilmaamay Tales "mid ku dayasho mudan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM