Iiraan oo ka baxday heshiiska Nukliyeerka ee sanadkii 2015-kii

Image

TEHRAN, Iran – Iiraan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ka baxday heshiiskii nukliyeerka ee dowladaha ugu tunka weyn caalamka la galeen 2015-kii.

War-saxaafadeedka lagu shaaciyey talaabadan ayaa yimid kadib kulan ay magaaladda Tehran ku yeesheen golaha wasiirada Iran.

Heshiiska oo Marekanku mar sii horeysay ka baxay ayaa ka koobnaa qodobo ujeedkoodu ahaa iska hortaag lagu sameeyo in Iran ay hesho Nukliyeer.

Qodobadda waxaa kamida in la xakameeyo awooda bacmarinta maadooyinka laga sameeyo iyo cilmi baarisyadda ku saabsan horumarintooda.

Tehran oo sheegtay in ay la shaqeyneyso guddiga dabagalka UN-ka ayaa shuruud ka dhigtay dhaqan-gelinta heshiiska in Mareykanka qaado xayiraada.

Go'aankan ayaa kusoo aadaya iyaddoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda ka dhalatay dilkii uu Mareykanka magaalada Baqdaad ugu geystay Qaasim Suleymaani.

Suleymaani, oo ahaa shaqsigii labaad ee ugu awooda badan Iran, ayaa tan iyo 1997-dii hogaaminayey waaxda sirdoonka dibadda ee waddankaas.

Talaabada ay uga baxday heshiiskii nukliyeerka ee quwadaha aduunka la galeen ayaa noqoneysa falcelintii ugu horeysay oo rasmi ah tan iyo dilkii Qaasim.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo qorsheynaya duqeymo cusub oo ka dhan ah Iran kaddib doorashada Mareykanka

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha cusub ay socon karaan dhowr maalmood, iyadoo ciidamada Mareykanka ay diyaarinayaan hubka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 11:30AM

Sacuudiga iyo Ruushka oo ka wada hadlay amniga marin-biyoodka Hormuz iyo Baabul Mandab

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay labada dal siinayaan amniga marinnada badda ee gobolka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 05:00AM