Ilhaan oo ka jawaabtay eedeyn uga timid shaqsi hooyadii la khaarijiyey

Image

WASHINGTON, US – Ilhaan Cumar, oo kamid ah xeer-dejinta Mareykanka, ayaa waxay ka jawaabtay eedeyn uga timid shaqsi ay hooyadii ku geeriyootay weerarkii daaraha mataanaha ee Mareykanka.

Duulaankaasi oo dhacay sanadkii 2001-dii, dhowaana laga xusay guud ahaan dalweynaha Mareykanka, ayaa waxaa geysatay kooxda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Ruux la sheegay in ay hooyadii ku naf-weysay dhacdadaasi ayaa wuxuu aad u dhaliilay hadalo ay Ilhaan ka yiri musiibadaasi.

Erayadaas oo kasoo yeeray bishii Maaj ee sanadkan 2019 ayaa waxay ku aadanayeen "in dad yar ay ka dambeyeeen ficilkaas".

Iyadda oo iska difaaceysa eedeynta ruuxaasi ayaa waxaa sheegtay in ay waajib ku tahay in ay tiiraanyadda la wadaagto ehelada xubnooda ku waayey mashaqadaasi galaafatay laba kun oo qof.

"Ameerikaan badan ayaa xuquuq helay kadib dhacdadaasi, kuwaasi oo haatan haysata," ayay hadalkeeda raacisay.

Ilhaan Cumar, oo ah gabar Soomaaliyeed balse qaadatay dhalashada Mareykanka, ayaa waxay dhaleeceyn culus ku muteysatay hadaladaasi ay tiri, taasi oo sabab uga dhigtay in ay la kulanto hanjabaadyo dil ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM