Imaaraadka Carabta oo dhimaya ciidamada ka jooga dalka Yemen

Image

ABU DUBAI, UAE – Mas'uul sare oo u hadlay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu shaaciyey in ay dhimayaa ciidamada ka jooga waddanka Yemen.

Isaga oo wariyeyaasha kula hadlaya magaaladda Abu Dubai ayuu shaaca ka qaadey in ay tani la xiriirto "xaalado istaraatiijiyad".

Balse waxa uu carabka ku adkeeyay in ay door firfircoon ka cayaarayaan howlgalka Sacuudiga hogaamiyo ee dalkaasi ka socda.

Ma uusan soo bandhigin tirada askarta ay dhimayaan, hasa ahaatee wuxuu qeexay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u fulin doonan talaabadan.

Imaaraadka ayaa kamid ah dalalka ciidamada ugu badan ku leh dagaalka ka dhanka ah Falaagada Xuutiyiinta ee dalkaasi Carbeed.

Talaabadan ayaa imaanaysa xili colaada iyo xiisada dalkaasi ka taagan ay kasii dareyso, isla markaana dagaalo goos-goos ah ay dhacayaan.

Maleyshiyaadka uu hogaamiyo Jenaraalka Khaliif Xaftar ayaa magaalooyin horleh qabsaneysa, taasoo walaac badan abuurtey.

Sikastaba, isbaheysiga uu horkacyo Sacuudi Carabiya ee ay kula dagaalamayaan kooxda ay Iiraan barataarto ayaa bilowday bishii Maajo sanadkii 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM