Is-miidaamin lagu weeraray xaflad aroos oo ka socotay Afghanistan

Image

KABUL, Afghanistan – Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhimatay, 40 kelana way ku dhaawacmeen markii qarax is-miidaamin lagu weeraray xaflad aroos oo ka socotay bariga Afghanistan, maanta oo Jimce ah.

Sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta, guriga dhacdada laga soo wariyey oo uu lahaa taliye ka tirsan ciidamada dowladda dalkaasi ayaa ku yaala degmadda Pachir Aw Agam ee gobolka Nangarhar.

Wararka ayaa sheegaya in ruux is-qarxiyey uu ahaa cunug yar.

Afhayeenka gobolkaasi, Atahullah Khogyani, u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in khasaaraha dhimashadda ay intaasi kasii badan karto, maadaama ay jiraan bukaano aad u daran.

Xoogaga Taliban oo wada hadalo kula jira dowladda Afghanistan ayaa dhinaca isaga leexiyey in ay iyagu ka dambeeyeen weerarkan.

Kooxda la magac baxdey dowladda Islaamka ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkaan oo ay cambaareeyeen mas'uuliyadda wadankaasi dhaca qaaarada Asia.

Daacish ayaa aad ugu xoogan Nangarhar, halkaasi oo ay inta badan ka geysteen weeraro waxyeelo badan sababa ayna ku beegsadaan mas'uuliyiinta iyo askarta.

Bishii hore, is-miidaamin ka dhacday Jalalabad, caasimada gobolkaasi, ayaa waxaa lagu dilay saddex sarkaal iyo lix kale oo shacab ah xili ay ku dhaawacmeen 13 kale oo rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM

Kuma ayuu ahaa Charles James Kirk oo lagu toogtey dalka Mareykanka

Kirk waxaa lagu tilmaami jiray nin si xooggan ugu ololeeya siyaasadaha adag ee xisbiga…

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 06:07AM