Jenaraalo loo xiray inqilaabkii Turkiga oo 141-sano oo xabsi lagu xukumay

Image

ANKARA, Turkey – Maxkamad ku taala waddanka Turkiga ayaa 17 sarkaalkii hore oo milatariga ka tirsanaa ku xukuntay 141 sanno oo xabsi ah, maanta oo Khamiis ah.

Maxkamadeynta Jenaraaladaasi ayaa waxay ka dhacday gudaha xabsiga Sincan oo ku yaala magaaladda caasimadda ah ee Ankara.

Dacwadaha lagu soo oogey ayaa ah; dambiyo ka dhan ah qaranka, hogaaminta guuto ciidan, isku day khaarijinta madaxweynaha iyo dilka 249 ruux.

Sanadkii 2017-kii ayay soo bilaabatay maxkamaddeynta saraakiishan.

Xukunkan lagu riday oo u muuqda xabsi daa'in ayaa wuxuu noqonayaa mid kamid ah kuwii ugu badnaa ee la xiriira inqilaabkii dhicisoobey ee sanadkii 2016-kii.

Turkiga ayaa wuxuu ku eedeeyay afgambigaasi guuldareystay wadaadka fadhigiisu yahay Mareykanka ee lagu magacaabo Fatxullaahi Gulen.

Gulen ayaa wuxuu iska fogeeyay isku daygaasi fashilmay kaasoo gaalaftay 251 ruux ayna ku dhaawacmeen laba kun oo rayid u badan.

Xukuumada Ankara ayaa ku hungowday in ay gacanta ku dhigto Gulen markii Mareykanka uu ku gacan-seyray dalabkaasi.

Tan iyo markii sanadkii 2002-dii la baaba'shey xukunada dilka toogashada ah, Turkiga ayaa dadka dambiyadda culus ku eedeysan waxa uu ku xukumayey sanado badan oo xabsi ah ama xabsi daa'in.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM