Sanduuqa Madow ee diyaaradda ku burburtay Iiraan oo la helay

Image

TEHRAN, Iran – Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dadka ku dhintay shil diyaaradeed ee Arbacada maanta ah ka dhacay dalka Iiraan.

Diyaaradda oo ay lahayd shirkadda duulimaadka Ukraine ayaa ka duushay Tehran waxayna ku sii jeeday magaalada caasimadda ah ee Kiev.

Saraakiisha caafimaadka maxaliga ah ayaa xaqiijiyey in dhamaan dadkii saarnaa diyaaradda oo gaarayey 180 ruux ay wadada dhinteen.

Mas'uuliyiin ayaa shaaciyey in dadka la socday diyaaradda ay isugu jireen 170 rakaab ah iyo tobban kamid ahaa shaqalaaha.

Shirkadda Duulimaadka Ukraine oo bayaan soo saartey ayaa soo bandhigtay jinsiyadaha ay u kala dhasheen rakaabka ku naf-waayey musiibada.

Hoos ka akhriso liiska

82 Iranians
63 Canadians
11 Ukrainians
4 Afghanistan
3 Germany
3 UK


Illaa iyo haatan si rasmi ah looma soo bandhigin sababta keentay burburka diyaaradda, balse warbaahinta ayaa ku sheegtay cilad matoorka ah.

Dhinaca kale, mas'uuliyiinta Iiraan ayaa sheegay in ay heleen sanduuqa madow ee diyaaradda, taasoo sahleysa in la ogaado sababta soo riday.

Sikastaba ha ahaatee, hadii aysan imaan shilal kale, dhacdadaan ayaa noqoneysa mid kamid ah kuwii ugu geerida badnaa ee sanadkan 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

“Aad ayaan uga niyad jabay,” ayuu yiri Trump kadib wada hadal telefoon oo uu la yeeshay Putin

Zelensky ayaa mar kale ku baaqay in la kordhiyo taageerada milatari ee ay siiyaan la-hawlgalayaasha Ukraine.

  • Caalamka

    04-07-2025

  • 11:18AM

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM