Jordan oo u yeertay safiirkeeda Israel xili ay xiisad culus jirto

Image

AMMAAN, Jordan – Dowladda Carbeed ee Jordan ayaa waxay u yeeratay safiirkeeda u jooga magaaladda Tel Aviv ee caasimadda Yahuuda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa war-saxaafadeed ku shaacisay in talaabadan la xiriirto xarig aan sabab lahayn oo ka dhan ah muwaadiniinteeda.

Bayaanka ayaa lagu dalbaday in xorriyadooda sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo celiyo muwaadiniintaas "sharci daradda lagu haysto".

Ayman al-Safadi, wasiirka wasaaradda, ayaa tibaaxay in ay danjirahooda ay wadatashiyo la yeelan doonan kadib go’aan qaadan doonan.

"Muwaadiniinteena lagu qabtay xariga maamulka ka yimid ayaa qaarkood wajahaya xaalad caafimaad oo liidata," ayuu raaciyay.

Jordan ayaa qaadi doonto talaabadda ugu wanagasan oo dhanka diblumaasiyadda si muwaadiniinteeda dib ugu soo celiso dalkooda, ayuu ku daray.

Israel ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay siyaabo kala duwan xabsiga ugu taxaabeysay muwaadiniin kasoo jeeda dalal kala duwan.

Mas'uuliyiinta ayaa ku eedeeyay dadkaas in ay qaab sharci darro ah kusoo galeen dhulka Yahuuda, wallow eedeymahaas ay beeniyeen wadamadooda.

Talaabadaas ayaa xiisad diblumaasiyadeed waxay ka dhex-qarxisay wadamada qaarkood, waxaana kamid ah Jordan oo safiirkeeda kala baxay Israel.

AROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM