Kabtanka markabka ciidamada cirka UK oo loo eryay sabab cajiiba

Image

LONDON, UK – Kabtanka markabka ugu wayn uguna awooda badan ee ciidamada cirka Ingiriiska ayaa shaqadiisa ku waayey in uu gaari kaxeeyay bilowga isbuuca, sidda ay ku warameyso warbaahinta maxaliga ah.

Nick Cooke-Priest ayaa ahaa wuxuu ahaa kabtanka HMS Queen Elizabeth, oo halkii mar qaadi kara ku dhowaad 40 diyaaradood, tan iyo bishii October ee sanadkii hore 2018-ka.

Fahfaahinta ayaa intaasi ku dareysa in Jenaraalada markabka ciidamada cirka iyo Kabtanada ay soo amaahdee gaari si ay ugu adeegsadaan waajibaad ama shaqo rasmi ah.

Sikastaba, sidda laga soo xigtay majaladda THE SUN, baaris dhab ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ay qaateen gaari uu noociisu yahay Ford Galaxy, waxaana lagu helay dambi ah "go’aan qaadasho khalad ah".

Sidda ay ku warameyso war-fidiyeenka, Cooke-Priest, ayaa horey looga digay in hadii gaari uu u adeegsado arrimo shaqsiyadeed ay dhaawaceyso shuruucda, isla markaana uu hareer-marayo hab-maamuuska.

Talafishinka Sky News ayaa Kabtan hore oo ciidamada cirka ah kasoo xigtay: "Tani waa khalad daacadnimo ah, taasi oo loola macaamilay sida ku haabooneed markay timaado heerarkaan oo kale.

"Hadda ayay kasii dareysaa hadalheynta oo ay sii xoogeysaneysaa. Talaabada ay qaadeen ma ahan mid ku filan. In qof la eryo ma ahan talaabada ugu wanagasan," ayuu hadalkiisa ku daray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM