Kala qayb-sanaan soo kala dhex-gashay hogaamiyeyaasha Yurub

Image
Image
Image

BRUSSELS, Belgium – Marka hore waxay ahayd coddeynta, haddase waa "tartakii taajka," hogaamiyeyaasha Yurub ayaa wajahaya kala qayb-sanaan weyn.

Madaxda ayaa isku haysa jagooyinka ugu sareeya Golaha Baarlamaanka Yurub, taasoo doorashadeeda ay qabsoonto todobaadkii hore.

Cod-bixintaasi waxaa ku sameysay xulufooyin cusub oo wata dano iska soo horjeeda, taasoo adkeynaysa tartanka xilalka sare.

Wadaxaajoodyo arrimahaasi lagu gorjeynayo ayaa durba bilowday, kuwaasi oo u dhaxeeya madaxda 28-ka dal ay qaarada ka kooban tahay.

Xilalka ugu culus ee hogaamiyeyaasha wadamada isku hayaan waxaa kamida madaxweynaha golaha midowga Yurub.

Jagadaasi oo ah tan fulinta ayaa waxay mas'uul ka tahay soo saaritaanka sharciyadda cusub iyo uruurinta dakhliga.

Murashaxinta jagadaasi qabaneysa ayaa waxaa soo xulaya hogaamiyeyaasha dowladaha Yurub ee xubinta ka ah Golaha, si gaar ah kuwa aqlabiyada ugu badan ka helay baarlamaanka doorashadii u dambeysay.

Jarmalka iyo Faransiiska ayaa la sheegayaa in ay yihiin dalalka ugu weyn ee ku loolamaya xilkaan, waxaana la filayaa in wadahadalka albaabada u xiran ee arrintaan daaran go’aan looga gaari doono cida noqoneysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM