Kalmadda "InshaAllah" oo lagu daray qaamuuska Jarmalka

Image

BARLIN, Germany – Kalmada Insha Allah oo macnaheedu yahay "hadii uu llaahey idmo" ayaa si rasmi ah loogu daray qaamuuska Jarmalka si gaar ah, Merriam-Webster, oo guud ahaan waddankaas laga isticmaalo.

Muslimiinta ku nool daafaha kala duwan ee caalamka ayaa isticmaala kalmadan marka ay mustaqbalka wax rajeynayaan.

Talaabadan cusub ayaa waxaa soo dhaweeyay bulshadda Muslimiinta ee ku nool dalkan dhaca galbeedka qaaradda Yurub.

Ma ahan markii ugu horeysay in kalmad ay adeegsadaan Muslimiinta dunida oo lagu daro qaamuuska wadamada qaar.

Marka laga soo tago France, Jarmalka waa dalka labaad, ee ku yaala Galbeedka qaaradda Yurub, oo ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan.

Sidda ay muujineyso natiijadda tirakoobkii ugu dambeeyay, tiradda guud ee dadka Germany ayaa gaareysa 81 milyan oo ruux.

Inkastoo ay bulsho badan ku leeyihiin dalka Jarmalka, Muslimiinta ayaa la kulmaya tacadiyo ay geysanayaan cadaanka xagjirka ah, kuwaasoo inta badan bartilmaameedsada goobaha lagu cibaadeyso sida Masaajida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo qorsheynaya duqeymo cusub oo ka dhan ah Iran kaddib doorashada Mareykanka

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha cusub ay socon karaan dhowr maalmood, iyadoo ciidamada Mareykanka ay diyaarinayaan hubka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 11:30AM

Sacuudiga iyo Ruushka oo ka wada hadlay amniga marin-biyoodka Hormuz iyo Baabul Mandab

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay labada dal siinayaan amniga marinnada badda ee gobolka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 05:00AM