Khasaaro ka dhashay madaafiic lagu weeraray safaarada Mareykanka

Image

BAQDAAD, Iraq – Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacantay markii madaafiic lagu weeraray safaaradda Mareykanka ee Baqdaad, caasimadda Ciraaq.

Milatariga Ciraaq oo war-saxaafadeed kooban soo saarey ayaa wuxuu sheegay in hoobiyeyaasha noocoodu ahaa Katyusha.

Madaafiicda oo saddex xabo ahaa lagu waramayaa in laba kamid ah ay ku dhaceen nawaaxiga dhismaha safaaradda.

Sidda laga soo xigtay booliska, midka kale ayaa ku habsaday guri ay degan yihiin shacab, halkaasoo waxyeeladdu ka dhalatay.

Weerarkan oo dhacay habeenimadii Axadda ayaa ah falkii labaad oo lagu beegsanayo diblumaasiyiinta Ameerikaanka tan iyo dilkii Qaasim Suleymaani.

Dhismaha safaaradda Mareykanka ayaa ku yaala aaga la yiraahdo Qadka Cagaaran, waana goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

Aaga qadka cagaaran, sidoo kale, waxaa ku yaala inta badan dhismeyaasha dowladda Ciraaq, waana fariisinka maamulka haatan haya talada dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo qorsheynaya duqeymo cusub oo ka dhan ah Iran kaddib doorashada Mareykanka

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha cusub ay socon karaan dhowr maalmood, iyadoo ciidamada Mareykanka ay diyaarinayaan hubka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 11:30AM

Sacuudiga iyo Ruushka oo ka wada hadlay amniga marin-biyoodka Hormuz iyo Baabul Mandab

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay labada dal siinayaan amniga marinnada badda ee gobolka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 05:00AM