Kuuley u dhaxeysay nolol iyo geeri oo lasoo badbaadiyey

Image
Image

VIENNA, Austria – Kuuley ay qoorta u gashay albaab ku yaala wadanka Austria ayaa waxaa soo badbaadiyey dambiyeyaal, iyaga oo adeegsanaya qalab culus.

Xayawaanka ayaa waxaa qabsatay qeyb kamida kala barka iridka xili ay isku deyaysay in ay ka talaabto.

Kooxda dab-damiska ee magaalada Graz oo isticmaalaya qalabka biraha lagu jarayo ayaa si fudud ku gooyey kadibna kasoo saarey Xidig-dhuleedkan.

Mas'uuliyiinta oo sawirada dhacdadaan ku faafiyey baraha bulshadda ayaa shaaciyey in xayawaanka aysan wax dhibaato/dhaawac ah soo gaarin.

Kuuleyda ayaa waxaa lagu wareejiyay ururka xayawaanada wadankaasi si baaritaano caafimaad loogu sameeyo, kadibna loo xanaaneeyo.

Sheekadaan ayaa waxaa aad u hadal-hayey dadweynaha wadankaasi ku nool, maadaama ay tahay wax dhif iyo naadir ah.

Bilooyin kahor ayay ahayd markii dab-damiyeyaasha Jarmalka ay soo badbaadiyeen Dooli [Jiir] oo uu ku degay albaabka wadooyinka dhexdooda ku yaala ee bulaacadaha loo sameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM