Labada dal ee dunida ugu dhaqaalaha badan oo heshiinaya

Image

WASHINGTON, US - Labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ee kala ah Mareykanka iyo Shiinaha, ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Arbaca ah kala saxiixdaan heshiis ganacsi.

Wallow ay jirto boqollaal bilyan oo dollar oo canshuur kordhin ah oo labada dhinac isugu jawaabeen, haddana heshiiska maanta qeyb kama noqon doonto khafiifinta tacriifta labada dhinac ay dul-dhigeen badeecadaha ay isu dhoofiyaan.

Canshuur kordhinta ayaa sideeda sii ahaan doonto ilaa laga gaaro doorashada madaxtinimada Mareykanka ee uu bisha November madaxweyne Donald Trump kula tartami doono musharraxa kai man doona xisbiga dimoqraadiga.

Wajiga koowaad ee heshiiska labada waddan ayaa waxaa ugu weyn in Shiinaha uu muddo kooban iibsado miraha iyo wax soo saarka ka yimaada Mareykanka.

Faah-faahinta kale ee heshiiska ayaa soo bixi doonta marka ay saraakiisha labada dhinac maanta ku saxiixaan Aqalka Cad ee magaaladan Washington.

Donald Trump iyo dhigiisa Shiinaha ayaa dhowr jeer wada-hadalo dhanka telefoonka ah yeeshay kahor inta aysan xaaladu heerkan soo gaarin.

Inkastoo aanan la hubin hadii ay dhaqan-gelin doonan is-afgaradkan, tani ayaa ugu yaraan waxay meesha ka saareysaa cabsida laga qabay dagaal dhanka ganacsiga ah oo dhexmara dowladahaan.

GO + Wakaaladaha

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM