Kuuriyadda Koonfureed oo yeelatay ra'iisul wasaare cusub

Image

SEOL, South Korea – Madaxweynaha Kuuriyadda Koonfureed, Moon Jae-in, ayaa Talaadadii shalay wuxuu magacaabay ra'iisul wasaare cusub.

Wasiirkii hore ee ganacsiga, Chung Sye-kyun, oo caan ku ah magaca "Mr Smile" ama "Mr Dhoola-cadeeye" ayaa loo dhiibay jagaddan.

Sye-kyun oo taageereyaal badan leh ayaa lix sano ahaa Xildhibaan iyo afhayeenka baarlamaanka waddankaas.

Kuuriyadda Koonfureed, xilka ra'iisul wasaaraha waa xubin sharafeed. Chung Sye-kyun wuxuu bedelayaa Lee Nak-yon.

Magacaabistan ayaa waxay kusoo aadeysaa xili Golaha Wasiiradda dalkaas uu hareeyay fadeexad la xiriirta musuqmaasuq.

Wasiirka Cadaaladda ayaa bishii October ee sanadkan 2019 wuxuu isku casilay fadeexad ku aadan in uu caruurtiisa u musuqay waxbarasho.

Moon Jae-in ayaa gabagabada wareegtadda uu ku magacaabay Chung wuxuu ugu rajeeyay in uu si hufan ugu guto waajibaadka culus ee loo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo qorsheynaya duqeymo cusub oo ka dhan ah Iran kaddib doorashada Mareykanka

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha cusub ay socon karaan dhowr maalmood, iyadoo ciidamada Mareykanka ay diyaarinayaan hubka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 11:30AM

Sacuudiga iyo Ruushka oo ka wada hadlay amniga marin-biyoodka Hormuz iyo Baabul Mandab

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay labada dal siinayaan amniga marinnada badda ee gobolka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 05:00AM