Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay Bangiga Dhexe ee Iiraan

Image

WASHINGTON, US – Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu cunaqabateyn saarayo Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Talaabadan oo uu madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay ayaa daba socotay hanjabaad horey uga soo yeertay xukuumadda Washington.

"Waa xayiraadda ugu weyn ee abid dal la saaro," ayuu yiri Trump. "Waxay aadi doonan meesha saxda ah ee ugu dambeysya," waa uu raaciyey.

Steven Mnuchin, hantidhowraha Mareykanka, ayaa xusay in cunaqabateyntu tahay mid ka dhalan doonta in ciidamada Iiraan aysan dhaqaalo helin.

"Waxay dhimi doontaa awooda ay Iiraan u leedahay in ay hesho taakuleyn caalami ah," ayuu hadalkiisa kusii daray.

"Waxay dhimi doontaa awooda ay Iiraan u leedahay in ay hesho taakuleyn caalami ah," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Trump ayaa go’aankan shaaciyey markii uu Jimcadii qaabilay ra’iisul wasaaraha waddanka Australia ee Scott Morrison.

"Waxaan haatan jari doonaa dhamaan ilaha taakuleynta Iiraan," ayuu Mnuchin si cad daaha uga rogay markii uu war-fidiyeenka u waramay.

Ku darista liiska madow ee Bangiga dhexe ee Iiraan ayaa imaaneysa kadib weeraro lagu ekeeeyay keydka ugu weyn ee shidaalka aduunka.

Xuutiyiinta Yemen ayaa dusha saartay mas'uuliyadda balse, Mareykanka ayaa si gaar ah farta ugu goday xukuumadda Tehran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM