Mareykanka oo qirtay in ay rayid ku dhinteen duqeyn uu fuliyey

Image

WASHINGTON, US – Milatariga Mareykanka ayaa wuxuu shaaciyey in ay ka war-qabaan shacab ku geeriyooday duqeyn uu ka fuliyeen dalka Afghanistan.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afghanistan colaaduhu la dageen ayaa shaaciyey in duqeynta ay ka dhacay bariga waddankaas.

Weerarkaas dhanka cirka ah ayey horey u soo wariyeen in ay la beegsadeen dagaalameyaal ka tirsan falaagadda Talibaan.

"Waxaanu kala shaqeynayaa mas'uuliyiinta maxaliga in aanu xaqiijino sheegashooyinkaas," ayuu taliska ku yiri war-saxaafadeed dheer.

Ciidamadda Mareykanka ayaa sarre u qaadey howlgalada ka dhanka hawadda ee ka dhanka ah Talibaan, sanadihii lasoo dhaafay.

Qirashadda ayaa waxay kusoo aadeysaa maalmo kadib markii madaxweyne Donald Trump uu socdaal kedis ah ku tegay Afghanistan.

Socdaalka oo yimid Khamiistii lasoo dhaafay ayaa wuxuu Trump ku booqday mid kamid ah xeryaha ciidamadda Ameerikaanka ah.

Trump ayaa wuxuu caddeeyay in maamulkiisa diyaar u yahay wada xaajood uu Talibaan la furoo. Mas'uul u hadlay falaagadda ayaana soo dhaweeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM