Mareykanka oo qirtay in ay rayid ku dhinteen duqeyn uu fuliyey

Image

WASHINGTON, US – Milatariga Mareykanka ayaa wuxuu shaaciyey in ay ka war-qabaan shacab ku geeriyooday duqeyn uu ka fuliyeen dalka Afghanistan.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afghanistan colaaduhu la dageen ayaa shaaciyey in duqeynta ay ka dhacay bariga waddankaas.

Weerarkaas dhanka cirka ah ayey horey u soo wariyeen in ay la beegsadeen dagaalameyaal ka tirsan falaagadda Talibaan.

"Waxaanu kala shaqeynayaa mas'uuliyiinta maxaliga in aanu xaqiijino sheegashooyinkaas," ayuu taliska ku yiri war-saxaafadeed dheer.

Ciidamadda Mareykanka ayaa sarre u qaadey howlgalada ka dhanka hawadda ee ka dhanka ah Talibaan, sanadihii lasoo dhaafay.

Qirashadda ayaa waxay kusoo aadeysaa maalmo kadib markii madaxweyne Donald Trump uu socdaal kedis ah ku tegay Afghanistan.

Socdaalka oo yimid Khamiistii lasoo dhaafay ayaa wuxuu Trump ku booqday mid kamid ah xeryaha ciidamadda Ameerikaanka ah.

Trump ayaa wuxuu caddeeyay in maamulkiisa diyaar u yahay wada xaajood uu Talibaan la furoo. Mas'uul u hadlay falaagadda ayaana soo dhaweeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran: Waa ka fekeraynaa Wadahadallada Mareykanka

Araghchi ayaa sheegay in Iran aysan diyaar u ahayn inay si dhakhso ah u bilowdo wadahadallo cusub sida uu Trump.

  • Caalamka

    02-07-2025

  • 12:56PM

Go’aanka Trump oo Laga Digay inuu Keeni Karo Khasaaro Ba’an

Saameynta ugu weyn ayaa la arkay cudurrada la iska hortegi karo sida HIV/AIDS oo dhimashadiisu hoos ugu dhacday 74%.

  • Caalamka

    01-07-2025

  • 05:21PM