Mareykanka oo ciidamo dheeraad ah u daabulayo Sacuudiga

Image

WASHINGTON, US – Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay ciidamo cusub oo dheeraad ah ay u direyso Sacuudi Carabiya.

Askarta cusub oo tiradooda ay gaareyso saddex kun ayaa waxay qeyb ka tahay xoojinta amniga iyo difaaca dalkaas Carbeed.

Mark Esper, wasiirka Gaashaandhiga Mareykanka, oo amarka bixiyey ayaa ku adkeystay in ay ka go’an tahay difaacida xulafodadooda.

Talaabadan ayaa waxay imaaneysa iyadda ay sii kordheen weerarada ka dhan ah Ceelasha Shidaalka Sacuudi Carabiya.

"Dirista ciidamadda cusub waxay soo socotay tan iyo bishii hore," ayaa lagu yiri qoraal loo diray saxaafadda oo kasoo baxay Wasaaradda.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka, Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa dalabkan soo gudbisay kadib khataro soo wajahay.

"Tani waa dedaalo dheeraad ah oo looga hortagayo xadgudubyadda Iiraan," ayuu Esper saxafiyiinta u sheegay Jimcadii.

Tan iyo bishii May, Mareykanka ayaa waxa uu kordhiyey joogitaankiisa Bariga Dhexe, taasi oo ku jirta Istaraatiijiyadda ka dhan ah Iiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM