Mareykanka oo wajahaya khal-khal dhinaca dastuurka ah

Image

WASHINGTON, United State – Xeer-ilaaliyaha guud wadanka Mareykanka, William Barr, ayaa waxa uu wajahaya cod-bixin ka dhan ah isaga oo ku aadan in uu sameeyay amar-diido.

Talaabada codka kalsoonida loogu qaadayo Barr ayaa waxaa go’aamiyey Guddiga arrimaha garsoorka u qaabilsan Golaha Wakiilada.

Xubnaha dimoqraadiyiinta ee ku jira Guddiga oo talaabadaasi naadirka ah qaaday ayaa sii kordhisay xiisad ka dhalatay warbixinta baaraha gaarka ah.

Warbixintii baaraha gaarka ah, Roberto Muller, ayaa daarneed farogelin la sheegay in uu Ruushka ku sameeyay doorashada madaxtinimada Mareykanka.

Donald Trump ayaa digreeto madaxweyne ku laalay in warbixinta loola wadaago bulshadda, maadaama ay arrimo xasaasi ah ku jiraan iyo cabsi uu ka qabo in ay faafto.

Aqalka Cad iyo Congress-ka oo eedeymo isu jeedinaya ayaa midba kan kale ku dhaliilaya in uu ku tagfrilayo awooda uu shacabku u siiyey in ay ugu adeegaan qaranka.

Warbixinta baaraha gaarka ah laguma soo qaadin hadii uu jiro shirqool dambi ah, oo dhex-maray Moscow iyo olalihii Trump taasi oo saameyn ku yeelatay doorashadii madaxtooyada Mareykanka ee 2016-kii.

Sikastaba ha ahaatee, Muller ayaa waxa uu fahfaahin ka bixiyey tobban isku day oo uu Mr Trump sameeyay si uu ukala dhentaalo baaritaanka, taasi oo Aqalka Cad uu gaashaanka ku dhuftay.

Geesta kale, guddiga arrimaha sirdoonka ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa u yeeray wiilka ugu wayn Trump ee Donald Jr, kaasi oo ay wax ka waydiin doonaan kulan uu la yeeshay muwaadiniin Raashiyaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM