Mareykanku oo bilaabayo musaafurinta malaayiin muhaajiriin ah

Image

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku siiyay hey’adaha hirgelinta sharciyada Socdaalka ee dalkan inay soo qabqabtaan dadka muhaajiriinta ah ee go’aamada musaafurintooda horey loo gaaray.

Howlgalka dadkaasi lagu soo qabqabanayo ayaa bilaabanaya Axadda berita ah sida ay warinayaan warbaahinta Mareykanka.

Howlgalkan ayaa markii ugu horeysay waxaa shaacisay Jariidadda the Washington Post, oo sheegtay in lagu beegsanayo ilaa iyo 2 Kun oo qoys oo ku nool magaalooyin waaweyn oo ku yaala Mareykanka oo ay dadka muhaajiriinta ah ee dalkan soo gala ay ka soo degaan, sida magaalooyinka Houston, Chicago, Miami iyo Los Angeles.

Washington Post waxay sheegtay in xogta la xiriirta soo qabqabashada dadkan ay ka heshay sadex sarkaal oo ka tirsan waaxda socdaalka oo magacooda qariyay.

Wargeyska The Miami Herald ayaa sheegay in magaalooyinka kale ee la bartilmaameedsanayo ay ka midyihiin Atlanta, Baltimore, Denver, New Orleans, New York iyo San Francisco.

Dhinaca kale, madaxweyne Trump ayaa fariin uu soo dhigay bogiisa twitterka Isniintii la soo dhaafay ku sheegay in Mareykanku uu bilaabayo musaafurinta malaayiin qof oo sharci darro dalkan ku jooga.

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM