Masar oo Aabo iyo Wiilkiisa ku xukuntay xabsi daa'in

Image

KHAAHIRA, Masar – Maxkamad ayaa xabsi daa'in ku xukuntay todoba xubnood oo ka tirsan Ururka Muslim Brotherhood.

Sidoo kale, maxkamada ayaa sii deysay 14 kale oo isla ururkaasi kamid markii ay ku weysay wax dambi ah.

Dadka la xukumay waxaa ku jira Aabo iyo Wiilkii, Xasan Maalik iyo Xamsa, kuwaasi oo noloshooda inta ka dhiman jeelka ku jiraya.

Dhamaan dadka xukunka uu ku dhacay oo fursad Racfaan haysta ayaa lagu eedeeyay waxyeelaynta dhaqaalaha Masar.

Xasan, ganacsade, kaasi oo leh bakhaaro soo dhoofiya qalabka korontada iyo Computer-da ayaa la soo xiray 2015-kii markii hoygiisa lagu duulay.

Mas'uuliyiinta ayaa shaaciyay in guriga Xasan ay kasoo heeleen astaamo muujinaya in uu cilaaqaad la leeyahay Muslim Brotherhood.

Ururkaasi oo dowladda Masar u aqoonsan tahay in uu yahay argagixiso ayaa ah xisbi siyaasadeed oo ay ku badan yihiin dadka Sunniga ah.

Xukunka maxkamada ayaa kusoo beegmaya iyadda oo la sheegayo in madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump uu ku fekerayo in ururkaasi oo u aqoonsado mid argagixiso.

Xukuumada Cabdul Fatax Al Sisi oo lagu eedeeyo in ay beegsato dadka siyaasad ahaan kasoo horjeeda ayaa ku dhowaad 1600 ruux xabsi u dhigay "arrimo siyaasadeysan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM