Maxaa ninkaan Beeraleyga ah ku kalifay in uu lugtiisa iska jaro?

Image

PENDER, US – Kurtis Kaser, oo ah beeraley ayaa ku dhiiraday in uu lugtiisa iska jaro, wallow uu qiray in uu dareemay xanuun badan.

Kaser ayaa waayey mid kamida xubnihiisa ugu muhiimsan markii qalab beeraha lagu falo uu ka qabsaday, taasoo keentay in uu dhameystiro.

Dhibanaha ayaa u adeegsaday jarista lugtiisa mindi [toorey] maadaama aysan jirin wax kalo oo u duwan oo uu isaga fujin karay.

"Marka hore waxaa gooyay dharka, kadibna dharka iyo hilibka," ayay warbaahinta caalamka kasoo xigatay ninkaan.

Kurtis Kaser, oo haatan qalab socodka ka caawiya haysta ayaa ku nool Pender, oo ka tirsan North Carolina ee wadanka Mareykanka.

"Haa socodka uu u dhibayaa. Markaan soo degayo way fudu-dahay balse markaan kor u socdo ayaa dhib badan," ayuu sii daba dhigay.

Sikastaba ha ahaatee, caqabada ugu wayn ee hataan haysata waa in uu in ka badan 60 kilo mitir ay ku qaadato in uu gurigiisa yimaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM