Maxkamad xukun ku riday Aas-aasaha shabakada WikiLeaks

Image

LONDON, United Kingdom - Maxkamad ku taalla Ingiriiska ayaa aas-aasaha shabakadda siraha kashifta ee WikiLeaks ku xukuntay 50 todobaad oo xabsi ah.

Xukunka lagu riday Julian Assange ayaa loo cok-saday "in mar labaad uu bishii hore ku xad-gudubtay shuruudaha damaanad kusii deynta".

Intaasi waxaa wehlisa in lagu eedeeyay in markii koowaad uu baal-maray shuruudaha damaanadda markii uu ku sugnaa Britain sanadkii 2012-kii.

Saxafigaan waxaa xiligaasi uu wajahayey eedaymo ku aadan kufsi oo ay kusoo oogtay dowlada Sweden inktasta oo kolkii dambe laga laabtay.

Booliska UK ayaa Julian Assange xiray bishii April 2019 markii safaarada Ecuador ay ka laabatay magan-galyo siyaasadeed oo ay siisay sanado badan kahor.

Taliska Bileyska ayaa tibaaxay in soo qabashadda Julian Assange ay salka ku hayso codsi uga yimid Marekanka oo aad u doon-doonayey.

Wariyaha ayaa sidoo kale London ku wajahaya dacwad ku saabsan shirqool uu ugu dhacay Computer-rada ciidamada milatariga ee Mareykanka.

Wararka ayaa sheegaya in ay suurtogal tahay in Julian Assange loo dhiibo Mareykanka, halkaasi oo ugu dambeyn lagu maxkamadeyn doono.

Sanadihii lasoo dhaafay WikiLeaks ayaa daabaceysay warbixino caddeyn wata oo qaarkood maqaar xanuun-jiyey Mareykanka maadaama ay ku jireen xogo la dusiyey oo ku aadan howlagadiisa Ciraaq iyo Afghanistan.

Mid kamida warbixinada waxay daaha ka rogtay ciidamada Mareykanka oo dad shacab ah ku dilaya magaaladda Baghdad ee xarunta Ciraaq xili ay wehlisay muuqaal markhaati ah.

Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa ku weeraray Assange warbixinadaasi. Xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo wuxuu 2017-dii, oo uu ahaa madaxa CIA-da, ku tilmaamay WikiLeaks "hay'add sirdoon oo aan dowli ah oo cadow ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Norway: Hashim Abdi oo noqday Xildhibaanka ugu da’yar oo Soomaali ah

"Waa arrin aad u waalli ah. Waa sheekada Norway – in wiil ka yimid Trara uu gaaro qolka awoodda."

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 07:14AM

Waa Kuma Khalil al-Hayya: Hoggaamiyaha Xamaas ee Israel rabtay inay ku disho Weerarkii Qatar?

al-Hayya wuxuu awooday in uu si xor ah ugu safro dalalka deriska ah, taasoo u sahashay in uu ka madax bannaano xayiraadda ay Israa’iil saartay Gaza.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 06:27AM