Maxkamad ICJ oo soo saartay go'aan guul u ah muslimiinta Rohinghya

Image

NAYPYITAW, Myanmar – Maxkamada cadaalada aduunka ayaa amartay tallaabooyin lagu badbaadinayo muslimiinta Rohinghya, islamarkaasna looga hortagayo in xasuuq loo geysto.

Xeer-beegtada ayaa diidday doodo ay soo bandhigtay xukuumadda Myanmar ee ay hoggaaminayso haweeneyda lagu magacaabo Aung San Suu Kyi.

Dowladda Burma ayaa lagu eedeeyay in ciidamadeeda ay si ola kac ah u beegsadaan Rohinghya, wallow ay eedahaas ay beenisay Suu Kyi.

Kumanaan qoowmiyadan ah ayaa la laayay, iyada oo ay guryahooda ka qaxeen wax ka badan 700 kun oo qof sanadkii 2017-kii.

Barayaal Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa ka digay in uu dhici karo xasuuq.

Dacwadda maxkamadda aduunka waxaa gudbiyay Gambia, waxayna ku baaqeen in talaabooyin deg-deg ah laga qaado militariga Myanmar, lana sameeyo baaritaano culus.

Myanmar ayaa ku adkaysata in gobolka Rakhine ay ka waddo sifeynta "falal argagixisonimo ah".

Hoggaamiyaha dalkaas Aung San Suu Kyi ayaa carabka ku dhufatay in waxa ka socda gudaha waddankeeda ay yihiin kacdoon hubeysan oo ay wadaan dad ka tirsan muslimiinta Rohingya.

GO + Wakaaladaha

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM