Maxkamad ICJ oo soo saartay go'aan guul u ah muslimiinta Rohinghya

Image

NAYPYITAW, Myanmar – Maxkamada cadaalada aduunka ayaa amartay tallaabooyin lagu badbaadinayo muslimiinta Rohinghya, islamarkaasna looga hortagayo in xasuuq loo geysto.

Xeer-beegtada ayaa diidday doodo ay soo bandhigtay xukuumadda Myanmar ee ay hoggaaminayso haweeneyda lagu magacaabo Aung San Suu Kyi.

Dowladda Burma ayaa lagu eedeeyay in ciidamadeeda ay si ola kac ah u beegsadaan Rohinghya, wallow ay eedahaas ay beenisay Suu Kyi.

Kumanaan qoowmiyadan ah ayaa la laayay, iyada oo ay guryahooda ka qaxeen wax ka badan 700 kun oo qof sanadkii 2017-kii.

Barayaal Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa ka digay in uu dhici karo xasuuq.

Dacwadda maxkamadda aduunka waxaa gudbiyay Gambia, waxayna ku baaqeen in talaabooyin deg-deg ah laga qaado militariga Myanmar, lana sameeyo baaritaano culus.

Myanmar ayaa ku adkaysata in gobolka Rakhine ay ka waddo sifeynta "falal argagixisonimo ah".

Hoggaamiyaha dalkaas Aung San Suu Kyi ayaa carabka ku dhufatay in waxa ka socda gudaha waddankeeda ay yihiin kacdoon hubeysan oo ay wadaan dad ka tirsan muslimiinta Rohingya.

GO + Wakaaladaha

Related Articles

Trump oo qorsheynaya duqeymo cusub oo ka dhan ah Iran kaddib doorashada Mareykanka

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha cusub ay socon karaan dhowr maalmood, iyadoo ciidamada Mareykanka ay diyaarinayaan hubka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 11:30AM

Sacuudiga iyo Ruushka oo ka wada hadlay amniga marin-biyoodka Hormuz iyo Baabul Mandab

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay labada dal siinayaan amniga marinnada badda ee gobolka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 05:00AM