May oo cambaareysay hadalkii uu Trump ugu gafay Soomaaliya

Image

LONDON, UK – Hadalhaynta ugu ballaaran ee caalamka oo idil ayaa waxay noqotay hadalo kasoo yeeray madaxweynaha Mareykanka kaasi oo mudaneyaal usoo jeediyey in ay dalkooda hooyo ku laabtan.

Donald Trump ayaa si gaar ah erayadaasi wuxuu ugu beegsaday afar haween oo ka tirsan xeer-dejinta Mareykanka ayna ku jirto Ilhaan Cumar, gabar asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya oo ay ku dhalatay.

Erayada xanafta leh ee kasoo yeeray Donald Trump kuwaasoo lagu sifeeyay "naceyb" ayaa wuxuu ku tilmaamay dalalkaasi ay ku jiro Soomaaliya "kuwa burburay oo hoy u ah dambiyada ".

Ra'iisul Wasaaraha Boqortooyadda Ingiriiska, Theresa May, ayaa erayadaasi ku tilmaamtay "wax aanan la aqbali karin".

"Aragtida ra’iisul wasaaraha ee luqadaasi ku wajahan haweenka, gabi ahaanba waa kuwa aanan la aqbali karin," ayuu yiri afhayeen u hadlay May, Isniinta maanta ah.

Xubnaha uu bartilmaameedsaday Trump oo kusoo baxay doorashadii 2018-kii ayaa inta badan dhaleeceeya siyaasada madaxweynaha wadanka Mareykanka ee ka dhanka ah dadka soo galootiga ah.

Xisbiga Dimoqraadiga oo ay xubnahaasi ka tirsan yihiin ayaa sidoo kale aad u dhaliilay Trump, inkasta oo Jamhuuriyiinta ay ka gaabsanayaan xiisadaasi cirka isku sii shareeraysa.

Isqabqabsigan soo ifbaxay ayaa kusoo beegmaya iyadda oo guud ahaan Mareykanka laga dareemayo olalaha doorashada 2020-ka oo uu Trump  calanka u sido xisbigiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM

Kuma ayuu ahaa Charles James Kirk oo lagu toogtey dalka Mareykanka

Kirk waxaa lagu tilmaami jiray nin si xooggan ugu ololeeya siyaasadaha adag ee xisbiga…

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 06:07AM