Muslimiin cibaadeysaneysay oo lagu dilay weerar lagu qaadey Masjid

Image

OUAGADOUGOU, Burkina Faso – Ugu yaraan 16 Muslimiin cibaadey-saneysay ayaa lagu dilay, laba kelana dhaawac culus ayaa soo gaarey markii la weeraray Masjid ku yaala dalka Galbeedka Afrika ku yaala ee Burkina Faso.

Dabley aan la aqoonsan heybtooda ayaa rasaas ku furtay gudaha Masjidka oo ku yaala xaafadda Salmossi ee dhacda gobolka waqooyi Oudalan, sidda ay tabineyso saxaafadda maxaliga ah ee wadankaas.

Wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa illo wareedyo ciidamada ah xigtay in weerarka uu dhacay Jimcadii, inkasta oo wararku tibaaxayaan in uu bilowday Sabtidii.

Saddex iyo toban ayaa ku geeriyootay isla goobta, halka saddexda kale ay u dhinteen dhaawacyo kasoo gaarey "falkan argagixisonimo". Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay baaritaan ku bilaabeen.

Burkina Faso ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxay dagaalo qaraar kula jirtaa koox Islaami ah, taasi oo xiliyadda qaar weeraro kala duwan ka fulisa waddankaas.

Ansarul Islam & JNIM oo ah koox taageerta Islaamka iyo Muslimiinta ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay dishay wadar ahaan in ka badan 500 oo ruux.

Xoogagan ayaa beegsada Masiixiyiinta iyo wadaadada Muslimiinta oo ay u aqoonsan thay kuwa aan haysan "caqiiqo ku filan"

Bishii July 15-keeda, inta la xaqiijiyey 15-ruux ayaa waxay ku naf-weyday ka gedaal markii maleyshiyaad ay beegsadeen kaniisad ay Masiixiyiintu leeyihiin oo ku yaala waqoyga magaaladda caanka ah ee lagu magacaabo Diblou.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM