Nin isaga oo ay lug ka jaban tahay orday masaafo aad u badan

Image

LONDON, UK – Todobaadkaan waxaa magaaladda London, caasimada Ingiriiska, lagu qabtay tartan Orodka, kaasi oo ay ka qaybgaleen ciyaartoy dhowr ah.

Xidigaha kasoo muuqday waxaa kamid ah Steven Quayle, kaasi oo taariikh aan caadi ahayn ka sameeyay aduunka iyo guud ahaan UK.

Steven ayaa orday masaafo gaareysa 18 mile, isaga oo lugtiisa bidix ay tahay mid jaban, wallow uu qirtay in uu dareemyay xanuun.

"Ma aanan dooneyn in aan dadka hortooda ku ooyo [ilmeeyo], balse xanuun daran ayaa jiray," ayuu u sheegay Telafishinka CNN.

Steven Quayle ayaa ku jabay markii ay ku kufay caag biyo ah. Dhibaatada ugu badan waxay kasoo gaartay, cagta, qoobka iyo cajarka.

Shaqada uu rasmi ahaan qabto waa dab-damiye. Balse waxa uu tartankaan uga soo qayb galay si uu u taageero Isbitaal deeq u baahnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM